Aqoon Korodhsiga Googooska Geeska

0
755

Hargeysa (Geeska)- Waa mid kale oo ka mid ah qormooyinkii aqoon korodhsiga ahaa ee uu Geeska Afrika u soo turjumi jiray akhristayaashiisa si ay ula wadaagaan faa’idada iyo xikmadaha ku dheehan.

– Dagaalkii u horreeyey Muslimiinta ee uu hogaamiyey Asxaabigii weynaa ee Khaalid Binu Waliid waxa uu ahaa kii lagu magacaabi jiray Mu’tah.

– Suraddii u horraysay ee iyada oo dhamaystiran ku soo degtay Rasuulka (SCW) waxa ay ahayd Suuradda Mudathir.

– Dadkii u horreeyay ee Cilmiga Kimistariga ogaaday waxa ay ahaayeen Masaaridii hore.

– Qofkii ugu horeeyay ee hela cilmiga neefta Oxygen-tu waxa uu ahaa Joseph Priestly, waxa aanay ahayd bishii Siddeedaad 1774kii.

– Dowladdii ugu horraysay dunida ee ictiraaftay dalka Maraykanku markii uu xornimada ka qaatay Ingiriisku waxa uu ahaa Dalka Marooko oo ah dal carbeed oo ku yaalla woqooyiga Afrika.

– Ma Ogtahay in Maroodigu uu Ooyo marka uu murugaysan yahay?

– Ma Ogtahay in uu Farasku dhimanayo haddii dubka (Dabada) laga jaro?