Boqor Buurmadoow Oo Sheegay In Wasiiradu Mucaarad Ku Yihiin Xukuumada

0
536

buureHargeysa(Geeska):-Boqor Cismaan Aw-Maxamuud(Buurmadaw), oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa sheegay in xukuumada Siilaanyo habayaraate wax sir ah oo ay leedahay aanay jirin, waxaana uu tilmaamay in mucaaradnimada xisbiyada mucaaradka ay kaga daran tahay mucaaradnimada ay xukuumada Siilaanyo ku hayaan wasiiradiisu, isaga oo carabka ku dhuftay in ay yihiin kuwa had iyo jeer fidiya dacaayadaha ka dhanka ah xukuumada, waxaana uu tibaaxay in mucaaradka maanta dalka ka jiraa uu yahay mucaaradkii abid ugu fiicnaa ee soo mara Somaliland.

Boqor Cismaan aw-Maxamuud(Buurmadaw), ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in aanay dalka doorasho ka dhici doonin isla mar ahaantaan la samayn doono muddo kordhin.

Boqor Buurmadaw, waxaa oo ugu horeyn wargeyska Geeska Afrika wax ka waydiiyey sida uu u arko go’aanka ay xisbiyada mucaaradka ahi ka soo saareen dib u dhac ku yimaada arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa uu sheegay in aanay marnaba macquul ahayn in dalka laga dhiso dawlad wadaag ah, waxaana uu tibaaxay in dawlada hada jirta ay xilka kala wareegaysa uun dawlad kale oo si sharci ah ku timi, waxaana uu yidhi: "Horta dawlada sida dalka kan uu sharcigiisa iyo dastuurkiisuba uu qabo,dawlad ayuunba dawlad kala wareegaysa xilka ee taasi waa wax aan suuroobayn weeye marka xaqiiqda la eego, wax suuroobayana maaha, anigu xaqiiqda ayaan ka hadlaa marnaba war mala'awaal ah anigu kama hadlo, marka taasi waa wax aan marnaba suuroobayn weeye in dawlad wadaag ah la dhiso laakiin dawlada tan dawlad ayuunba lagala wareegi karaa oo ah sida uu nidaamkeenu u dhisan yahay, waxaana aan rajaynayaa in haddii Alleh yidhaahdo ay doorasho dalka ka dhacdo."

Boqor Buurmadaw oo sida oo kale ka hadlaaya sida uu u arko muddo kordhin dalka laga sameeyo ayaa sheegay in ay imanayso muddo kordhin dalka laga hirgaliyo, waxaana uu carabka ku dhuftay in hadalkaasna ay ugu celcelinayaan sidii ay bulshadu u sii fahmi lahayd in aanay suurta gal ahayn in ay dalka doorasho ka dhacdo balse loo baahan yahay in muddo kordhin la sameeyo. "Anigu waxa aan horta inta badan aan ka hadlaa waa wax aan isleeyahay waad ka fiirsatay, wax mala' awaal ahna kama hadlo, sida aan wadkayga u hubo ayaan u hubaa in muddo kordhini ay imanayso, taas macnaheedu waxa weeye waxii imanaaya, waxaad mooda in guurtida aynu haysano uu wakhtigeedu dhamaaday, wakiiladana wakhtigoodii waa uu dhamaaday, dawladana 26da Juun ayuu wakhtigeedu ka dhamaanaya, waxa qudha ee aan wakhtigeedu aanu dhamaan ee aynu haysanaa waa Xisbiyada qaranka, maxkamada sare iyo komishanka doorashooyinka oo iyaga wali wakhtigoodu uu taagan yahay, waxaan qabaa hadalka ama aan anigu idhaahdo ama mucaarad amaba dee dawladiyee horta awooda waxa iska leh waa Komishanka, wax kasta ha habsaameen, waxaana lagu khasban yahay waxii uu komishanku yidhaahdo, waxaana aan ka hadlaayey waxa weeye dee Somaliland-na waxba kama aanan baryeyn oo nin baryootamaya oo leh waxaas iyo waxaas bay hayd maan ahayn, fidmo abuurna ma'ay ahayn, waxaana aan dadka u sheegaynay in aan u sii bislayno oo aan ka sii dhaadhicino in ay korodhsiimo ay imanayso, haddii ay imanaysana ku talo galkeeda in ay dadku yeeshaan, waxii imanaayana in dadka loo sheego oo aan loo qarin ayaa loo baahan yahay, aniga ninka warkayga beeninayaana ee ahayd diyaar uma nahin in aanu shan sano kaga tagno, marka ninka aniga i beeninayaa in uu yidhaahdo dee shantii sano waa ay dhamaatay oo waanu ka tagaynaa ha i yidhaahdo."Ayuu yidhi Buurmadaw.

Boqor Cismaan aw-Maxamuud, waxaa uu sida oo kale ka hadlay xaalada siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka taagnayd deegaanka Khaatumo, waxaana uu yidhi:"Horta Khaatumo mushkilad kama jirto ee hawshu waxaa ay ka jirtaa waa Saax-dheer weeye, Dhul-bahantena fidnada ku jirtaa waa reer Saax-dheer weeye, reer Saax-dheerna waxaa ay doonayaan in iyaga uun ay Dhul-bahante ay u dhintaan weeye, waxaad ku aqoonsanaysaa Saaxdheer 10km ayey ciidamada qaranku u jiraan, waxaa ay doonayaan in ay dabka ka bilaabaan xudur, waxaa ay doonayaan in ay ka bilaabaan gobalka Sanaag, waxa ay doonayaan in ay ka bilaabaan Horufadhi, mana rabaan reer Saaxdheer in iyagu ay dabka iyo dagaalka ay galaan oo ay meelaha kale ay dabka galiyaan, waxa weeye siyaasadaasina siyaasad ka soconaysa maaha, waxaa ay u muuqataa siyaasad dibin daabyo ah oo ay aniga iila muuqataa.".

Boqor Cismaan aw-Maxamuud, oo sida oo kale ka hadlaaya qaabka ay wasiiradu mucaaradka ugu yihiin xukuumada Siilaanyo, ayaa waxaa uu yidhi:"Horta anigu runtii waan taageera Xisbiga Waddani aad iyo aadna waan u taageera, waxaana aan rajaynayaa haddii ay doorasho timaado in uu guulaysan doono, waxaana aan rabaa xukuumada maanta wax kasta ha la yidhaahdee xukuumadan maanta jirtaa mucaaradka qudha ee ku kacsan in ay tahay wasiiradiisa madaxweyne Siilaanyo cida dhibta ku haysaana waa wasiiradiisa maaha mucaaradka sababta oo ah waxa weeyaan talo kasta oo ay xukuumadu wado waxa weeyaan in ay sir yeelataa, mushkilada jirtaa waxa weeye xukuumada Siilaayo wax sir ah oo ay leedahay haba-yaraatee ma jirto, dacaayadaha ugu badan ee raqiiska ahina cida ugu badan ee ay ka soo butaacayaana waa wasiirada dawlada weeyaan, waxaana aan odhan karaa mucaaradku dawlada dhib kuma hayaan, mucaaradkii ugu wanaagsanaa ee ugu qabooba ee Somaliland soo mara weeye, mushkilada jirtaa waa xukuumada iyo wasiiradeeda oo labaduba ay mucaarad isku yihiin, waxaana markaa kuwii hore ee wasiirada u ahaa Kulmiye waa kuwii Waddani ku biiray.".

Boqor Cismaan Buurmadaw, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi ."Wasiirada Siilaanyo la fadhiyaa waa kuwa dacaayadaynaaya inanka uu Sodoga u yahay u bixisay magaca "Morgan" waa wasiirada dawlada, cida leh hanti ayaa uu boobayaa waa wasiirada dawlada, cida leh Marwada ayaa awooda leh oo iyada ayaanu wax walba u riboodh garaynaa waxa waxaas leh waa wasiirada dawlada, waxaan odhan lahaa in waxa loo baahan yahay in ay isa saxdo xukuumada iyo xisbigeedu inta ay mucaaradka ku mashquulsan yihiin ayaa loo baahan yahay. Waxaan odhan lahaa mucaaradkana idinka yaanay wasiiradu afka wax idiin ku ridin oo qof aan xil hayn oo aan dastuurku waxba idiin ku hayn yaanay wax idiin ku ridin, wasiiradu iyagu haday musuqmaasuq ay leeyihiin iyaga la xisaabtama oo iyagu haday talada xilkii xukuumada ay u hayeen haday gudan waayaan la xisaabtama, laakiin qof aan shaqo idiin hayn ama marwada ha ahaato ama yarka uu sodoga u yahaye yaan lagu habsaamin ayaan anigu odhan lahaa,”

Ugu dambayn wuxuu Boqorku yidhi  "Waxa weeye inankaa Siilaanyo Sodoga u yahay ee sharaftiisii iyo karaamadiisiiba meel lagaga dhacay, waxaanu xukuumada Siilaanyo ka doonaynaa magdhaw, inanka magtiisii iyo mustaqbalkiisiiba waanu ka doonaynaa maadama aanu wax fara galina iyo hawl ah aanu ku lahayn xukuumada maadama lagu soo jeediyey jiilalkii awoowyaasheen ay dhinteen ee loogu magac daray Moorgankii dilay in uu yahay Baashe Cawil, taasina ay tahay godob loo xambaariyey, cida waxaas samaysay ee masuulka ka ahina waa xukuumada wasiiradeeda ayaa fidiya dacaayada raqiiska ah, waxaan leenahay mar haddii ay colaada ku soo jiidanayaan dee inamada uu Siilaanyo Sodoga u yahay dee bal in ay muddo Baashe ka nastaan oo mid cusub ayaa jiree kaas isagana ay ku mashquulaan.".Ayuu yidhi Boqor Buurmadaw.