Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhayaal daraasad ku sameeyey saamaynta taban ee ay qofka ku yeelan karto in muddo dheer la isticmaalo agabka is-qurxinta loo isticmaalo iyo weelka caagga ah ayaa xaqiijiyey in ay khatar ku tahay caafimaadka. Sida caadiga ah, talooyinka caafimaad ee ay dhakhaatiirtu bixiyaan waxa ay inta badan ku kooban tahay cuntooyin cayiman oo ay tahay in la cuno iyo jimicsiga jidhka, laakiin sida daraasaddani muujisay qofka oo ka takhalusa weelka caagga ah iyo agabka yaryar ee shakhsiga ah ee muddo dheer la isticmaalayey ayaa iyaduna kaalin mug leh ka qaadata wanaajinta caafimaadka qofka.
Khubarada daraasaddan samaysay oo si gaar ah hoosta uga xariiqaya alaabooyinka ay tahay in qofku iska fogeeyo marka ay muddo la yaallaan, waxa ay shegeen in qasacadaha iyo quraaradaha caagga ka samaysani marka ay gaboobaan ay dhacdo in kiimikada ay ka samaysan yihiin uu la falgalo cuntada iyo cabbitaannada kale ee lagu qaato, waxaana ka dhasha isku-dar kiimikaad oo cusub oo khatar ku ah caafimaadka qofka.
– Waxa kale oo ay daraasaddu sheegtay in ay fiican tahay in laga takhaluso saabuunta, liddiga ku ah bakteeriyada oo lagu beddelo biyo iyo saabuunta caadiga ah, sababtuna waa baadhitaannadan oo soo saaray in kiimikada lagu sameeyo saabuunta dareeraha ah ee bakteeriyada dishaa ay leedahay dhinac taban oo ah in ay khatar geliso caafimaadka.
– Natiijada daraasaddan ka soo baxday waxa kale oo lagu ogaaday in burushka ilkaha lagu cadayo ay qasab tahay in uu qofku ku beddelo saddex ama ugu badnaan afar toddobaad. Haddii kale waxa ay khatar ku tahay caafimaadka, waxa kale oo dhacda in burushka marka muddo la isticmaalo ee uu lismo aanu sida la rabo u nadiifin karin ilkaha.
– Dhinaca qalabka la isku qurxiyo, marka la eego, waxa ay khubarada daraasaddan sameeyey sheegeen in ay caafimaadka lagama maarmaan u tahay in uu qofku iska tuuro indhahkuusha qoyan ee baadadka indhaha la mariyo, haddii laba ama saddex bilood la isticmaalo. Xamuuradda debnaha la mariyana lagu beddelo lix bilood gudaheed oo laga soo tirinayo markii la bilaabay isticmaalkeeda, si looga hortago khatarta caafimaad darro ee a dhalan karta bakteeriyada ku dhalata marka la isticmaalo.
– Khubarada cilmibaadhistan samaysay waxa ay ku taliyeen in laga takhaluso qalabka elektarooniga ah, lana yareeyo isticmaalkooda oo aan maalintii laga badin laba saac, (Sida kombiyuutarrada, talefannada casriga ah iwm).
Ugu dambayntii khubaradan oo dhinaca caafimaadka nafsiga ah ka hadlayaa waxa ay sheegeen in ay fiicani tahay in qofku uu waqti fiican la qaato ehelkiisa iyo saaxiibbadii, maadaama oo xidhiidhada bulsho ay raadayn weyn oo togan ku leeyihiin caafimaadka, qofkana nafsad ahaan u dejiyaan farxadna ku beeraan.