Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
1047

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

Inta aanad dadka sixin, horta naftaada sax

– Daryeel Nadaafadda Jidhkaaga kana ilaali wax kasta oo wax yeeli kara. “Ilaahay waxa uu inoo abuuray sidii ugu farshaxansanayd ee loo abuuro makhluuq. Sida awgeed adiga waxa lagaa raba kaliya in aad dhowrto daryeeshana”

–  Ha beddelin abuurta Alle kuu yeelay.

– Caafimaadku waa hadyad Rabbi bixiyo oo qaali ah, sidaa awgeed ogow in jidhkaagu xaq kugu leeyahay oo ha ku xad gudbin naftaada iyo jidhkaaga midna. U golow nasashada bukaankana ka dawee.

– Ka Taxadir sida aad u xiiranayso kana dheerow in aad jidhkaaga ku xaradho qoraallo ama sawirro (Tunto). Ogow in dadka sidan u tunta xitaa  Maraykanka iyo Yurub looga yaqaanno ciyaala Suuq iyo dad liita.

– Soonku waa habka ugu wanaagsan ee jidhka lagu nadiifin karo, calooshana lagu nasin karo sidaa awgeed caadayso in aad bil kasta ka soonta ayaamo.

– Nadaafad darradu waa furaha Caafimaad darrada sidaa awgeed ku dadaal Nadaafadda.

– Indhuhu waxa ay ka mid yihiin hibooyinka cajiibka ah ee Alle ina siiyay waana xubin aad u nugul oo xasaasi ah, mar walba waxa waxa ay halis u yihiin dhaawac iyo bukaan sidaa awgeed, maalin kasta ku maydh biyo qaboow.

– Dhaska iyo dhididkuba halis ayaa ay ku yihiin jidhka gaar ahaanna xubnaha aanay dharku daboolin sida, Gacmaha iyo wajiga, sidaa awgeed maalintii dhowr jeer maydh. “Ogow; Weysadu waa habka ugu habboon ee aad ku nadiifin karto”

– Xanuunno badan oo caloosha ku dhaca waxaa sababa Nadaafad darrada ilkaha. “Cadayga la ogow ilkahaaga kuna dadaal in aad ka saarto wixii cunto hadhaa ah ee dhexdooda gasha (Findhicil)”

– Ku dadaal in aad xiirto timaha ka soo baxa meelaha qarsoon ee jidhkaaga sida, Kilin killooyinka iwm. “Iska jir in ay kugu dhaafaan Afartan maalmood”

– Xanuun kastaa dawo ayaa uu leeyahay, ka hortagga ayaana ka fiican daawaynta. “Isku day hab kasta oo aad kaga hortegi karto xanuunka.

– Haddii aad leedahay Dhabar ama Qoor  Xanuun ama aad jeceshahay in aad ka hortagto in ay kugu dhacaan, Ku seexo furaash adag, kana dheeroow sariirta isbiriinka ah. “Haddii da’daadu ay gaadhay Afartan Jir waaba kugu waajib in aad sidan yeeshaa”

– Habeenkii goor hore seexo si aad subaxii goor hore u toosto. Salaadda subax kac, qadada ka dibna yara seexo. “laakiin ka dheeroow Hurdada dheer ee galabnimo”

– Marka aad seexanayso ka ha iska fogayn ilayska degdegga aha sida, Tooshka.

– Si fiican u maydh gacmahaaga hurdada ka hor iyo ka dibba. Waxa dhici karta in gacmahaagu ay leeyihiin wasakh adna ma ogid habeenki in ay meel xasaasi ah sida indhaha taabteen sidoo kale marka aad toosto ma ogid meel ay gacmahaagu taabteen intii aad huruday sida awgeed waa halis in afka ama indhaha ay taabtaan.