Maamulaha Qallafsani Waxa Uu Sababaa In Qofka Shaqaalaha ah Miisaankiisu Uu Aad U Kordho

0
1241

Picture7

London (Geeska)- Cilmi baadhis dhowaan natiijadeedu soo baxday oo lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in uu xidhiidh ka dhexeeyo korodhka saayidka ah ee miisaanka qofka shaqaalaha ah iyo hab-dhaqanka maamulaha uu u shaqeeyo ama shaqada uu hayo wanaaggeeda iyo xumaanteeda.

Cilmi-baadhayaashu waxa ay daraasaddan ku ogaadeen in dadka shaqaalaha ah ee maalin kasta dhib iyo ad-aday kala kulma maamulaha shaqada ama shaqada lafteedu ay cunaan cuntooyin mac-macaan ah iyo cuntooyinka diyaarsan, in ka badan shaqaalaha la mid ah ee aan iyagu dhibtan shaqo qabin.Sahamin lagu sameeyey shaqaale tiradoodu dhan tahay 2 kun ayaa lagu ogaaday in niyadda ay shaqada u hayaan dadkani ay boqolkiiba 77 ka mid ah ku xidhan tahay nooca cunto e ay cunayaan, iyo in boqolkiiba 54 ka mid ah ay nooca cunto ee ay cunaan is beddesho marka niyadda shaqada ay u hayaan wax iska beddelaan.

Cunista cuntooyinka degdegga loo diyaariyo (Beergarrada, saanwiijka iwm) iyo mac-macaanka oo ay shaqaaluhu cunaan xilliga shaqadu ay ku xidhan tahay culayska shaqada iyo hadba niyadda ay u hayaan. Tusaale ahaan, dadkii cilmi-baadhistan lagu sameeyey, badankoodu waxa ay qirteen qadada ay ku cunaan xafiisyadooda ugu yaraan saddex maalmood toddobaadkii, cuntada ay cuneenna ay u badnayd cuntooyinka dhaqsaha loo diyaariyo, taas oo ay culimada caafimaadku xaqiijiyeen in ay khataro badan ku keento caafimaadka qofka, in ay miisaaniyadda qofka culays ku keento, maadaama oo kharashkeedu badan yahay iyo in ay miisaanka qofka si xawli ah u kordhiso.

Dadka ku niyad san shaqooyinkoodu ayaa iyaga la ogaaday in inta badan xasiloonida maskaxdoodu ay u saamaxdo in ay ka fikiraan waxa ay cunayaan iyo saamaynta ay ku yeelanayso cuntadu caafimaadkooda, sidaa awgeed ay cunaan, cuntooyin aan miisaankooda waxba ku kordhinayn.