Golaha Wakiilada Oo Shalay Ansixiyay Xeerkii Diiwaangelinta

0
706

Picture1

Hargeysa (Geeska)-Mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa mar kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo ahaa xeerkii xudunta u ahaa khilaafkii soo kala dhex galay mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ee dhawaan dalka ka sababay mudaharaado keen saday dhimasho iyo dhaawac.Waxaana xeerkan diiwaan galinta codbixiyeyaasha tobadobaadkii hore wax ka badal ku soo sameeyey golaha guurtida Somaliland ka dib markii ay guurtidu sheegtay in guddoomiyaha golaha wakiiladu uu wax ku daray.

Fadhigan ay yeesheen mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa shir-guddoominaayey guddoomiyaha golaha wakiilad Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaana ka fadhigaas ka soo xaadiray 43-Mudane.

Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu horeyn mudanayaasha u akhriyey xeerka diiwaan galinta codbixiyeyaasha qodabada ay wax ka badalka ku soo sameeyen mudanayaasha aqalka golaha guurtida Somaliland.

 “Golaha Guurtidu waxa ay wax ka bedel ku sameeysay afar qodob, ama weynu ku raacaynaa ama keeni hore ayeynu qaadanaynaa, afartaas qodob waxa ay kala yihiin, Bogga lixaad, qodobka todobaad, faqradiisa labaad, oo ay ku qornayd waxa lix bilood gudahood lagu bedelay, waxa lagu bedelay lix bilood ka hor, Bogga 12-aad, qodobkiisa 26-aad, faqradiisa labaad oo la waafajiyey qodobka hore, oo ahayd komishanka Doorashooyinka waxa uu liiska cod bixiyayaasha laba bilood ka hor xilli doorashada, Maalinta ay bilaamayso diwaangelinta waxa ku dhawaaqaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa lagu soo bedelay waxa ku dhawaaqaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Bogga ugu dambeeya, qodobka 17-aad, waa farqad qudha, qodobku waa sidiisi, afsomaliga ayey yar bad-bedaleen,  laakiin nuxurka waxba lagama bedelin, waxa uu ku saabsan yahay goob joogayaasha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, ee hubinaya habsami u socodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxa Wasaaradda Arrimaha Guddaha u soo gudbinaya Komishanka Qaranka, si ay go’aan ugu gaadhan dal ku galka, ee Jamhuuriyada Somaliland”. Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro.

Intaas ka dib guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cirro,waxaa uu mudanayaasha aqalka golaha wakiilada ka codsaday in xeerka ay ansixiyaan ama ay diidaan,waxaana Xeerkan ogoladaay 39-Xildhibaan, waxa diiday hal XIldhibaan, waxaana ka aamusay Saddex Xildhibaan ,Guddoomiyhuna muu codeyn.sidaas ayaana uu ku ansaxay xeerka diiwaan galinta codbixiyeyaashu.