Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
551

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo. Xigasho (Buugga Born Again ee uu qoray Faiz H. Faizal)

La Dhaqanka Ubadka:

– Dhaqan kasta oo aad ilmahaaga bartaa waxa uu tartiib-tartiib u noqonayaa qiyamkiisa, niyaddiisa, fikirkiisa iyo Dabeecaddiisa mustaqbalka, sida awgeed waa in waalidku uu u feejignaada waxa uu barayo ubadkiisa. Ogow waxa aad barto caruurtu waxa ay ka hor qabsan ogyihiin waxa ay arkaan adiga oo samaynaya. Wax kasta oo aad jeceshahay in ubadkaagu aanu baran, ha samayn iyaga oo ku arkaya. Haddii ilmuhu uu arko Aabihii ama Hooyadii oo masaakiinta sadaqo siinaya isna waxa uu bilaabayaa in uu markiisa bixiyo sadaqadda iyo in uu u naxariisto dadka liita.

– Haddii aad soo gasho qolka oo lagu daawanayo T.V- ama cajalad ama aad soo gasho iyada oo wax la dhagaysanayo (Idaacad ama Cajalad rikoodh) ha isku dayin in aad ku beddesho mid aad sidato ama aad u beddelato Idaacad ama Janal aad jeceshay aad gaysato, haddii ay ka fursan waydo in aad sidaa samayso waydiiso dadka aad ugu soo gashay qolka. Ha yaraysan xitaa haddii ay yihiin ubadkaagii.

– Waalidku waa in uu u hawl galaa sidii uu ilmihiisa uga dhigi lahaa mid isku filan oo qabsan kara howlihiisa u gaarka ah, ka bilow cadayga suuliga, waysada, cunnadaba iwm. Arintani waxa ay ka caawinaysaa in mustaqbalka uu ku filnaado danihiisa.

– Marka aad ilmaha wax u soo iibinayso ku dadaal in aad u kaxayso suuqa si aad u waydiiso dookhiisa. Haddii uu doorto shay aanad la jeclayn si qayaxan ha ugu diidin ee ku qanci in aanu qaadan.

– U barbaari ubadkaaga sida ugu habboon ee ay u labisanayaan, hablahaaga ku barbaari is asturidda. Kuna dadaal in  aad ubadkaaga ka farxiso.

– Haddii ilmuhu uu ka cabanayo mid ka mid ah labada waalid kan kale waa in aanu odhan ereyo kakan sida, wuu khaldan yahay IWM.

– Haddii aad la joogto Caruurtaada oo xaas leh ku dadaal in aanad samayn wax uun u dhimi kara qoyskooda. Tixgeli arimaha gaarka u ah caruurtaadu marka ay waynaadaan ama reer yeeshaan. – Carruurta aad soddoga ama soddohda u tahay si gaar ah u tixgeli una qaddari.