Qisada Wiil Madow Ah Oo 70 Sano Ka Hor Xukun Maxkameed Dil Dulmiya Ah Lagu Fuliyey Maraykanka

0
664

Picture3Washington (Geeska)- Maalin kadibna waxaa tuulaha ka bilowday buuq la xidhiidha raadinta labadan hablood oo qoysaskoodu ay waayeen.

Maydka hablaha waxaa laga dhex helay dhijaan biyo ajo iyo qashin ku jiraan:

Maalintii labaad markii ay saacaddu ahayd Toddobadii iyo badhkii subaxnimo ayaa dadkii baadi-doonka ahaa qaarkood ay arkeen raadka hablahan oo galay wadiiqo aad u xidhiidhi ah, markii ay raaceenna waxa ay arkeen maqaska lagu jaro ubaxa iyo dhirta oo meel doog ah lagu dhex tuuray, in yar haddii ay dhaafeenna waxaa u muuqday labadii baaskiil ay wateen habluhu, markii ay dul tageenna waxaa u muuqday god weyn oo dhoobo iyo biyo oo ajo noqday ku jiraan oo labada hablood maydkooda oo aan qarsoominna ku dhex jiro.

Hablahan jidhkooda waxaa laga helay nabarro iyo jabniin u muuqda in lagu dhuftay shay bir ah oo af leh. Markiiba waxaa maskaxda ku soo dhacay qofkii ugu dambeeyey ee hablahan in uu arkay sheegay oo ahaa George kii yaraa.

Tobannaan nin oo caddaan ah ayaa isu yimi, markaasay yimaaddeen gurigii qoyska wiilka yari deggenaa, inta ay xoog waalidkii iyo qoyskiisa oo dhan ugala soo dhex baxeen ayaa ay xadhig qoorta kaga xidheen, waxaana ay u hoggaamiyeen saldhiggii booliiska ee deegaanka. George markii uu laba saacadood oo keliya ku xidhnaa saldhiggan ayaa dad badan oo caddaan ahaa oo saldhigga hortiisa ku soo buuqay waxaa u soo baxay mid ka mid ah saraakiishii booliiska ee saldhiggan, waxa aanu dadkii cadhaysnaa u sheegay in wiilka yari uu qirtay dilka labada hablood, “Waxa uu doonayey in uu xidhiidh jinsi la sameeyo Batty, sida keliya ee ay taasi ugu suurtogelaysayna waxa ay ahayd in uu marka hore dilo saaxiibaddeeda la socota ee Marry. Laakiin Batty ayaa iyaduna diidday damaciisii oo isku dayday in ay iska caabbiso, sidaa awgeed iyadiina waa uu dilay” ayaa uu sarkaalkani yidhi. Waana sheekada markii dambe rasmiga noqotay ee lagu qoray diiwaannada lagu kediyo fal-dambiyeedyada iyo sida ay u dhaceen.

Hadalkaa kadib arrintii waxa ay isu beddeshay cunsuriyad, caadho ka dhalatay ayaanay dadkii caddaanka ahaa kula kaceen madowgii, markiiba waxaa shaqadii laga eryey wiilka yar aabihii, arrimahaas oo kallifay in qoyska George ay ka guuraan magaaladan oo uu jidka tareenka oo keliyi u dhexeeyey guriga ay deggenaayeen iyo guryaha dadka caddaanka ah. Waxa ay iskaga tageen wiilkoodii yaraa oo weli xabsiga ku jira oo kelidii la silcaya dulmiga ku dhacay, muddo 81 maalmood ah oo aanu wax caawimo iyo garowshiyo ah helin ayaanu sii xidhnaa, ka hor intii aanay maxkamaddu gudo galin dacwaddiisa iyada oo u qabatay qareen difaaca.

Laakiin waxaa nasiib darro ah in qareenka ay maxkamaddu u qabatayna uu ahaa uun sarkaal ka tirsan waaxda cashuuraha ee dowladda, isla sannadkaana u kursi siyaasi ah uga sharraxnaa gobolkan oo xeerarkiisu ay mamnuucayeen in dadka madowga ahi ay doorashada codeeyaan, sidaa awgeed cidda uu wejiga iyo codka ka rabaa ay tahay caddaanka oo dabcan arrintan si aad ah uga cadhaysnaa doonayeyna in wiilkan yar xukun adag lagu qaado.

Maragga keliya ee uu maxkamadda hor keenay waxa uu ahaa saddex sarkaal oo ka tirsan booliiska oo ah kuwii waraysiga baadhitaanka ah la yeeshay wiilka yar. Saddexdan sarkaal waxa ay maxkamadda u sheegeen in uu wiilkan yari hortooda ka qirtay in uu dilay labadan hablood, laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in aanay saraakiishani sida sharcigu yahay, markii uu wiilku qiraalkaa sameeyey qorin hadalkiisa, kadibna u dhiibin si uu u saxeeno. Caddaynta qudha ee ay wiilkan yar eeddiisa ku caddaynayeen waxa uu ahaa hadalkaa ay afka ka yidhaahdeen. Intii ay socotay maxkamaddani oo ahady afar saac oo maalin keliya ah, wiilkan yari waxa uu ku dhawaaqayey oo uu ku celcelinayey in uu beri yahay oo aanu dilin hablaha, laakiin dacwad oogayaasha goobta joogay oo dhammaantood caddaan ahaa ayaa go’aamiyey in uu dembigaa geystay garsoorihiina waa uu ku waafaqay. La soco…