Akhri Oo Ha Qoslin!! Qurux Jacaylka Haweenka

0
749

Hargeysa (Geeska)- Gabadh aad ugu qanacsan quruxdeeda, balse shaki kaga jiro illaa xadka uu saygeedu aaminsan yahay quruxdeeda ay u aragto xad dhaafka ayaa maalin maalmaha ka mid ah saygeeda weydiisay, “Horta, Anga iyo dayaxa maxaa aanu ku kala duwannahay dhinaca quruxda”

Ninkii oo fahmay in maanta imtixaan weyni hor yaallo, xidhiidhka hadda kadib ka dhaxayn doona isaga iyo afadiisuna ku xidhan yahay hadba jawaabta uu ka bixiyo su’aashan, isaga oo weliba og sida ay quruxdu u tahay waxa ugu dambeeya ee ay xaaskiisu ugu jeceshay, ayaa waxa uu ku jawaabay, ereyo iyadii qanciyey isagiina uu been kaga badbaaday oo ahaa “Dayaxu ma ka marmar madoobaada”