Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
581

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo. Xigasho (Buugga Born Again ee uu qoray Faiz H. Faizal)

– Xanuun kastaa dawo ayaa uu leeyahay, ka hortagga ayaana ka fiican daawaynta. Isku day hab kasta oo aad kaga hortagi karto xanuun, Allaah kuuma qadaro ee haddii ay dhacdo in aad bukootana ogow in ay waajib tahay in aad is dawaysaa.

– Haddii aad leedahay Dhabar ama Qoor  Xanuun  ama aad jeceshahay in aad ka hortagto in ay kugu dhacaan, Ku seexo furaash adag (Furash Dibbi ah) kana dheeroow sariirta isbiriinka ah. Haddii da’daadu ay gaadhay Afartan Jir waaba kugu waajib in aad sidan yeeshaa.

– Habeenkii goor hore seexo si aad subaxii goor hore u toosto. Salaadda subax kac, qadada ka dibna yara seexo laakiin ka dheeroow Hurdada dheer ee galabnimo.

– Haddii ay dhacdo in aad habeenkii aragto riyooyin xun xun, inta aanad u tagin dhaqtarka, Isku dawee Qur’aanka Kariimka ah. Waxa aad u muhiim ah in aad aaminto in qur’aanku wax daweeyo.

– Ha isku mashquulin ka fakarka riyooyinka, hana u sheegin cid aan kuu ahayn saaxiib dhow. Ogow riyadu waxa ay ku rumawdaa waxa u horeeya ee lagu fasiro, sidaa awgeed iska jir in aad dhaqso u turjumato riyada xun ama cid dhaqso u fasiraysa aad u sheegto.

– Marka aad toosto cadayo oo waysayso. Waxa hubaal ah in waysada salaadda subax ay kaxayso burburka hurdada habeennimo.

– Ha bilaabin shaqada ama howlahaaga kale ee aroornimo adiga oo aan quraacan.

– Ku dadaal jimicsiga iyo ciyaaraha jidhka dhisa oo ah kuwa marka aad samayso ay suurto galayso in ay howl galaan dhammaan xubnaha jidhkaagu. Dhididka ka yimaada jidhku waxa uu soo nadiifiyaa wixii sun  ah ee ku jiray jidhkaaga.

– Soco ugu yaraan Soddon Daqiiqo Maalin kasta adiga oo waliba xoog u tallaabsanaya.

– Marka aad socoto dhabarkaaga toosi, si toosanna u soco. Marka aad u baahato in aad dhinacyada daymooto, ha duwin indhaha oo kali ah.

– Haddii ay noqoto in aad safarto waa in aad cidkasta oo ku danaynaysa sida qoyska u sababaysaa safarkaaga. Inta aad maqantahay cid ku ogow cidda aad ka masuulka tahay, dardaaran safarka hortii waa muhiim ee ha illaawin.

– Isku day in aanad kaligaa safrin. Qofna ha noqdo ee cid raac. Haddii aad safarka ku tihiin koox wada socda waa in mid idinka mid ah aad ka dhigataan hogaamiye inta safarku socdo.

– Marka aad safarka ka soo noqoto qorshee in aad maalinnimo ku soo beeganto guriga, xaaskaagana ku sii wargali imaanshiyahaaga.