Shimbiruhu Ilko Ayaa Ay Lahaan Jireen, Afkooduna Qaabkan Dhuuban Ee Uu Hadda Yahay Umuu Samaynayn

0
691

Picture7Hargeysa (Geeska)- Waxaa jiri jiray mar ay shimburu ilko lahaayeen, laakiin horumar iyo is beddel dhinaca abuurkooda iyo hormoonnadooda ah ayaa sabab u noqday in ay shimbiruhu ilkahaas waayaan. Sidaa waxaa caddeeyey saynisyahanno ku xeel dheer cilmiga noolaha iyo is bedellada ku dhaca oo baadhitaanno kadib sheegay in waqtiga shimbiruhu ilkaha waayeen hadda laga joogo 116 Milyan oo sano.

Saynisyahannadani waxa ay sheegeen in aanu shaki ku jirin in shimbiraha hadda jiraa ay ku isiran yihiin shimbirahaas ilkaha lahaa ee jiri jiray, waxaana arrintaas lagu ogaaday baadhitaan isir-raac oo lagu sameeyey hadhaadiga shimbiro afka cilmiga lagu yidhaahdo Archaeopteryx ah oo ahaa noole ilko leh oo jiray sannadkii 1861kii. Shimbirahan ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin jinsi ka mid ah shimbirihii hore oo noolaa xilligii kala guurka ee u dhexeeyey waqtigii uu noolaa Diin-soorku baalka lahaa iyo shimbiraha hadda dunida ku dhaqan. Laakiin saynisyahannadu waxa aanay illaa hadda ogaanin waqtiga ugu dambeeyey ee ay ilkahaasi ka dabar-go’een ama aynu nidhaahno ka tirtirmeen afka shimbirahan hadda dunida ku nool, arrintaas oo culimada sayniska hal-xidhaale ku ahayd muddo ka badan boqol sano oo ay raadinayeen sida uu sheegay Mark Springer oo ah khabiirka hoggaaminayey cilmi-baadhayaasha daraasaddan hadda ogaaday.

Saynisyahannada cilmi-baadhistan sameeyey oo ka kala socda jaamacadaha Riverside oo ku taalla gobolka California iyo Montclair oo iyaduna ku taalla gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa iyaga oo adeegsanaya hadhaadiga hidde-sidayaashii shimbirahan waxa ay isku dayeen in ay wax ka ogaadaan waqtiga jiritaankooda. Natiijada baadhistan cilmi oo ay baahisay jariirad ay soo saarto jaamacadda California ayaa xaqiijisay in raadadka iyo calaamadaha lagu arkay 48 nooc oo ka mid ah shimbiraha daraasadda lagu sameeyey ay muujinayaan in ilkuhu ay shimbiraha ka joogsadeen muddo hadda laga joogo 116 Milyan oo sano. Mark Springer ayaa sheegay in daraasaddani ay iftiimisay in markii ay ilkuhu meesha ka baxeen kadib ay bilaabatay in afka shimbiruhu uu u samaysmo qaabka dhuuban ee adag ee uu hadda yahay, waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in guuristii ilkaha iyo bilowga afka dhuuban ee ilkuhu ay mar wada bilaabatay.