Hungo Iyo Niyad Jab Dheh…

0
865

– Marka aad la kulanto Masiibo ama Dhibaato Nafsi ah ee aad garabkaaga ka waydo saaxiib kula wadaaga murugada kalana dabaasha masiibada… Niyad Jab Dheh.

– Marka Erey kasta iyo Ficilka kasta oo kaa yimaada loo fasirto Xumaan… Niyad Jab Dheh.

– Marka la dafiro Deeqsinimadaada iyo waxtarkaaga… Niyad Jab dheh…

– Marka uu cimrigaagu tago adiga oo aan in yarna ka gaadhin Riyadaadii… Niyad Jab Dheh.

– Marka aad si fudud u waydo wixii aad ku soo tacabtay muddada dheer…. Niyad Jab Dheh.

– Marka uu ku khiyaameeyo qofkii dad kuugu xigay… Niyad Jab Dheh.

– Marka aad la kulanto saaxiib aanad muddo arag xiisana aad u qabtay kulankiisa, balse uu magacaagiiba garan waayo… Niyad Jab Dheh.

– Marka dhabarka lagaa wareemo ee aad ogaato in qofka ku dilay uu walaalkaa yahay… Niyad Jab Dheh.

– Marka aad aragto dunida qofkaad u jeclayd oo dareenkaaga kalgacal ka maadsanaya… Niyad Jab Dheh.

– Marka qof aad jeclayd kuu caddeeyo in aanad aqtiisa qiimo ku lahayn… Niyad Jab Dheh.

– Marka laguugu tuhmo wax aanad geysan la isuguna markhaati furay in aad samaysay… Niyad Jab Dheh.

– Markaad aragto fadeexada iyo ceebaynta ka kaa fidiyaa in uu yahay kii dad kuugu dhowaa… Niyad Jab Dheh.