Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
660

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

– Marnaba qof ha ku dhaafin dhib iyo masiibo haysata. Haddii aad soo marto jid uu shil ka dhacay si fudud ha u dhaafin ee hubi in ay jirto cid wax noqotay oo aad wax u qaban karto. Dunida ilbaxa ah waxa dambi maxkameed ah in qofku uu dhaafo qof shil gaadhay ama dhib kale oo uu gargaar u baahan yahay qaba. Arrinta yaabka lihi waa in ay dhacdo qofkii shil geystay oo baxsada ama isku daya.

– Haddii aad qof wax daymiso oo duruufuha adduunku ay keenaan in uu qaan bixi kari waayo, u naxariiso oo ka dhaaf ama badh ka dhaaf ama ugu yaraan ka sug hadba sida iyo inta suurta galka ah ee uu iska bixin karana eeg. Sida aynu wada fahmi karno shalay markii aad deynta siinaysay muu ahayn qof xun waayo maba aad siiseen, duruufuhu yaanay maanta kaaga dhigin qof xun in uu yahay.

– Haddii ay hubaal tahay in uu iska bixin karo daynta balse uu dhayalsanayo u mar wada kasta oo sharci ah sidii aad uga heli lahayd waxaaga. Iskana jir xad gudubka.

– Qofka muslimka ah waxa ka xaaraan ah in uu daynta saaro faa’do (Dheef), Tusaale ahaan, in uu yidhaahdo lacagtaa aan ku amaahiyay, marka aad waqti intaas le’eg la maqnaato waa in aad ku soo dartaa intaas oo ah faa’idadii ay soo saari lahayd.

– Haddii aad Rabbi naxariis ka rabto adna u naxariiso makhluuqiisa, ha dayicin fursad kasta oo aad cid ku caawin karto. Haddii aad aragto qof degdegaya, Baabuur booliis ama dhoolli hawl u ordaya, dhaqso ugu bannee meel uu kaa dhaafo.

– Ha qarin farxaddaada, badhaadhaha  iyo rayn-raynta aad qabto wejigaaga ha laga garto. Haddii aad murugaysan tahay, cadhaysantahay ama  warwarsantahay isku day in aad qariso oo dadku aanay kaa garan.

– Ka waran haddii mar ka lagu arko indhahaaga iyo wejigaaga muuqooda la moodo in dunidii ay rogmatay… Cid waliba waa ay iskaga kaa yaacaysaa.

– Noqo qof dadka rajo geliya, mar kastana ku dadaal in aad dhoola caddayso. Ma jiro wax wejiga dadku kaga qurux badan yahay dhoolla caddaynta, nasiib wanaag iyaduna lacag innaguma taagna, markaa maxaad ula bakhayli muuji oo ku qurxi wejigaaga.