Siyaasiga Ismaaciil-yare Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Isagu Kala Saaro Murashixiinta Sacad Muuse Ee Uu Loolanka Adagi Ka Dhexeeyo

0
679

Picture5Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu kala saaro murashixiinta Beelaha Sacad Muuse ee ku dhex tartamaya xisbiga KULMIYE, si loogu doorto murashaxa madaxweyne ee xisbiga, Madaxweyne Siilaanyo dabadii.

Md. Ismaaciil-yare oo shalay hadal ka jeediyay kulan lagaga soo horjeeday go’aankii ay guddiga shirkii Agabar ku cugteen siyaasiga Muuse Biixi inuu noqdo murashaxa madaxweyne oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu isagu kala saaro sidii uu horeba ugu kala saaray guddoomiyaha KULMIYE.  “Madaxweyne Haddaad adigu cid wax la jeceshay xisbiga Kulmiye adiga ayaa oday u ah horeba tartan baa loogu tartamayey gudoomiyihii xisbiga, waataad noo wada yeedhay waataad tidhi gudoomiyaha u daaya Muuse Biixi Cabdi oo waatii looga wada hadhay oo halkanaa gacmaha aan ugu taagay oo hadana waa kii xisbiga ii diiday in aan ka mid noqdo haba yaraatee oo xataa xubin waakii iiga diiday inuu iga siiyo markaa hadana halkanaanu labada gacmoodba ugu taagnay oo adaa Madaxweyne yidhi gudoomiyaha ha loo daayo, oo tartankii sharciga ahaa ee Kulmiye dhigayey oday-tinimo ayaad ku joojisay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Ismaaciil yidhi “Maantana waxaan leeyahay inamadu sadex iyo shanba ha noqdaane adaa lagaaga fadhiyaa oo reerka xaq looguma lahee adigu soo kala saar oo xisbiga hadii aad cid adigu la jeceshay soo kala saar oo kala reeb adigu, Oo qaarbaa wasiiradaada ah oo hadaad eryeyso dheh warqadaadii waatan oo hadaad tartamayso banaankaa kula tartan”.