Kabaha Cidhibta Dheer Iyo Sababaha Ay U Isticmaali Jireen Masaaridii Hore Iyo Dumarkii Roomaaniyiintu

0
794

Hargeysa (Geeska)- Masaaridii hore iyo dumarkii Roomaaniyiintii ayaa la sheegay in ay kabaha cidhibta dheer u isticmaali jireen ujeedo ka duwan ta ay hadda dumarku u isticmaalaan ee ah in lagu xaragoodo. Sababta muuqata ee ay labadan ummadood u isticmaali jireen kabaha cidhibta dheer ayaa ah arrinta ay daaran tahay qormadan uu maanta wargeyska Geeska Afrika la wadaagayo akhristayaashiisa xurmada leh.

Masaaridii hore: Hiliblayaasha iyo dadka ka shaqeeya kaawaannada xoolaha lagu gawraco ee Masaaridii hore ayaa caado u lahaan jiray in ay xidhaan kabaha cidhibta dheer, dadkan oo iyagu kabahan isticmaalayey ka hor intii aanay dumarka dalkaasi ku xarragoonba ayaa la sheegay in sababta ugu weyn ee ay u xidhan jireen ay tahay iyaga oo doonayey in ay ka dheeraadaan dhulka iyo dhiigga qul-qulaya ee xoolaha.

Roomaaniyiintii: Roomaaniyiintii hore dhaqan ahaan waxaa ceeb ahaa in dumarka akhlaaqdoodu fiican tahay ee dhowrsooni ay xidhaan kabaha cidhibta dheer. Sida taariikhda ku cad dumarka jidhkooda ka ganacsada ayaa ay calaamad lagu yaqaanno u ahayd in ay xidhaan kabaha cidhibta dheer, waxa aanay aaminsanaayeen in kabta cidhibta dheeri ay ragga indhahooda ku soo jeedinayso.

Cilmi baadhis dhowaan la sameeyey ayaa xaqiijisay muhiimadda iyo raadka ay kabaha cidhibta dheeri u leeyihiin shucuurta ninka, sahamin ay sameeyeen xeel-dheerayaasha daraasaddan soo saaray ayaa hoosta ka xariiqday in ninka dareenkiisa ay si gaar ah u soo jidato gabadha xidhan kabaha cidhibta dheer.

Koox cilmi-baadhayaal ah oo ka tirsan jaamacadda De Bretagne Sud oo ku taalla dalka Faransiiska ayaa daraasad la xidhiidha cilmiga bulshada oo afka qalaad lagu yidhaahdo Sociology waxa ay ku ogaadeen in raggu ay gabadha xidhan kabaha cidhibta leh ula macaamilaan si togan oo aad uga niyad-wanaagsan sida ay ula macaamilaan gabadha la mid ah balse iyadu aan xidhnayn kabaha cidhibta dheer. Cilmi-baadhayaashani intii ay tijaada daraasaddan wadeen ayaa ay meel shaarac ah istaajiyeen inan 19 sano jir ah oo xidhan dhar qurux badan iyo kabo cidhib dheer, waxa aanay dadkii shaaraca marayey hadba mid weydiinaysay, bal in ay u sheegaan aragtidooda la xidhiidha sinnaanshaha ragga iyo dumarka, waxaa soo baxday in boqolkiiba 83 dadkii ay wax weydiisay ee ragga ahaa ay u istaageen si ay ula hadlaan, doodda arrintan la xidhiidhana ugala sii sheekaystaan, halka markii isla inantani iyada oo xidhan dharkii hore balse ay kabihii ka dhigtay kuwo aan cidhib lahayn, isla su’aashii hore oo kalana weydiisay ragga shaaraca marayey, ay dhacday in tirada ragga u soo dhowaanaya ama sheekada la sii wadayaa ay hoos ugu dhacday in ka yar boqolkiiba 47 (46.7%). Mar kale oo ay isla gabadhani meel shaarac ah iyada oo maraysa si ula kac ah u tuurtay gacmo-gashi (Galoofyo) ay xidhnayd, iyada oo xidhan kabo cidhib dheer waxaa soo baxday in ragga inta ay foorarsadeen u soo qabtay galoofyada ka dhacay, ay boqolkiiba 50 ka badnaayeen kuwa u soo qabtay galoofyada markii ay kabaha cidhibta gaaban xidhnayd.

Laakiin markii ay gabadhani isla sidaas oo kale ku samaysay dumarkii waxaa soo baxday in markii ay xidhnayd kabaha bilaa cidhibta ah iyo markii ay xidhatay kabaha cidhibta dheer aanay waxba iska beddelin tirada dumarka u istaagaya. Halkaas waxa ay cilmi-baadhayaashani kala soo baxeen in kabaha cidhibta dheeri ay si gaar ah u soo jiitaan dareenka ninka.