Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
590

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

– Haddii aynu iska kaashan wayno la dagaalanka dembiga, Sharka iyo Macaasida midkeenna kama badbaadi doono, bulshaduna waa ay burburaysaa. Waxa aan maqal ku hayaa in dalka Maraykanka uu ka jiro sharci loo yaqaanno ISKAASHIGA DERISKA. Oo ah in bulsho wal oo meel wada taallaa ay masuul ka yihiin sidii ay deegaankooda uga dhigi lahaayeen Goob Ammaan ah. Iyaga ayaa ka Masuul ah ilaalinta xuquuqda midba kan kale. Waxa dhacda in ay dadka deriska ahi ay ilaaliyaan wixii aan cadiga ahayn ee ay dareemaan sida, in la ay qabtaan qof si xun baabuurka u dhexwada xaafadda, in ay ka wardoonaan haddii cod yaab lehi uu ka baxo guri deriska ah, in loo fiirsado wixii dhaqdhaqaaq ah ee saacad aan loo baran laga dareemo guri deriska ah, ama laydhka oo si aan loo baran uga baxay guriga. Waxa dhacda in qofkii xaafadda ka mid ah ee arka qof khashin ku qubaya meel aan loogu talo gelini uu qabto, ama xitaa ay xaafaddaasi booliska uga ashkatooto haddii dhisme aan deegaanka u fiicnayn laga dhiso. Waxaas oo dhan waxa ay si degdeg ah ula socodsiiyaan Booliska ama ciddii kale ee qaabilsan ammaanka. Waxaas oo war ah ugama jeedo aynu ku dayanno Maraykan ama aynu duruus ka baranno cid aan inala diin ama dhaqan ahayn, waxa aan uga jeedaa Dhaqankani ma dhaqan Maraykanbaa mise waa mid Islaam..? Miyaanay innaga diinteena Islaamku ina farin Xuquuqda Deriska.

– Ha ku Kaftamin Cabsi gelin iyo Ka nixinta dadka: Waxa aan dhowaan maqlay in Gabadh waayeel ahayd dhakhtar loola cararay kadib markii Inan (Wiil) ay ayeeyo u tahay uu  ka nixiyay iyada oo aan iska filayn kadibna uu wadnuhu istaagi gaadhay. Maxaa faa’do ku jirta ciyaar noocaas ah?! Iska jir wax kasta oo naxdin lama filaana ku keeni kara qof. Xitaa ma fiicna daawashada iyo ka sheekaynta filimada naxdinta iyo Argagaxa ah. Iska jir ka sasinta carruurta. Waxa aad u khatar ah inaad qof kaga bajiso Meel aad u dheer, Gudcur, Biyo, Dab, Dhiig, Cidla IWM. Ogoo in wax aynu riwaayad u naqaannaa uu khalkhalin karo amaba uu galaafan karo qofka noloshiisa oo dhan.