Guddida Illaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiilada Oo Soo Bandhigay Musuqmaasuqa Iyo Maamul Xumo Hadhaysay Hantidhawrka Guud Ee Qaranka

0
555

Picture7Hargeysa(Geeska):-Gudida illaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland oo muddooyinkii danbe waday baadhitaan iyo daba-gal ay ku samaynayaan hantida qaranka oo kulamo la yeeshay haayadaha kala duwan ee dawlada ayaa soo bandhigay warbixin ka hadlaysa heerka musuqmaasuq ee haayadaha xukuumada hada uu Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay iyo sida oo kale dawladaha hoose ee dalka.

Warbixintan oo lagu soo bandhigay fadhigii golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland uu shalay yeeshay oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha golahaasi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),ayaa waxaa mudanayaasha ka hor akhriyey warbixin aad u dheer oo taabanaysa dhinacyo badan oo khuseeya laamaha dawlada guddoomiyaha gudida illaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiilada xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama).

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama),Waxaa uu ugu horeyn uu golaha soo hor dhigay warbixin aad u dheer oo muujinaysa musuqmaasuqa iyo maamul xumada ragaadisay hay’adda hantidhawrka guud ee qaranka,waxaana uu sheegay in gudidan oo muddo baadhis xooga ku waday hanaanka ay u shaqayso hay’addani,sida ay uga hawl-gasho illaalinta hantida qaranka, siiba xisaab xidhada iyo baadhisaha meelaha musuqmaasuqu ka dhaco,aanay hay’addani gabi ahaanba gudan hawlahii ay qaranka u xilsaarnayd isla markaana aanay wax wada shaqayn ahi ka dhaxayn madaxda Hay’adda hanta dhawrka qaranka.

Md:Maxamed Cali Xirsi(Obama),waxaa ugu horeyn isaga oo faah faahin ka bixinaaya kulamadii ay la yeesheen madaxda hanti dhawrka guud ee qaranka,waxaana uu tibaaxayaa sida uu cago jiidaayey in uu tafaasiil ka bixiyey waxyaabaha ay u soo bandhigeen in ay ka gudi ahaan uga fadhiyaan,iyo sida uu uga cago jiiday in uu si toos ah ula shaqeeyo gudida illaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee galaha wakiilada Somaliland.

 “Dhamaan waraaqahaas iyo kulamadaas aanu la galnay nuxurka dalabka Gudiddu wuxuun buu ahaa qaar isku mida waxaanuna ka dalbanaynay saddexdan qodob ee halkan hoose kuqoran:-1. U soo gudbint Guddida Warbiximaha Sanadlaha ah. (Annual Report),2. Warbiximaha Hay’adaha uu baadhay iyo Gunaanadkooda 3. Warbixin xisaabeedka hay’adda lafteeda iyo hantideeda guurtada ah iyo maguurtada ah.Codsiyadaas iyo dalabyadaas ay Guddidu waydiisatay, mar walba Hanti-dhawrahu wuxuu Guddida ka codsadaa in ay siiyaan waqti aan kabadnayn 10 malmood, 5 maalmood, mararka qaarkood 2 wiig.Guddida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranku iyagoo markasta tixgelinaaya wadashaqaynta Xafiiska Hanti-dhawraha, tixgelisana codsiga kaga yimaada Hanti-dhawraha Qaranka, Dhamaan balanqaadyada Hanti-dhawrahuna waxay ku dhamaataa mid aan waxba ka fulin.Mararka qaarkoodna wuxuu Hanti-dhawraha Guud noo soo qorayay waraaqo nuxur ahaan ka duwan wixii aanu ka dalbanay, oo aanu u aragnay uun isdiidsiin iyo ka cagajiid. Gudidu siwadar iyo si shakhsiyaad ahba waxay uga hawlgaleen hirgelinta wadashaqayn dhexmarto Hay’addaas iyo Golaha si loo gaadho Hadafkeena Qaran ee aynu higsanayno”Ayuu yidhi Md:Maxamed Cali Xirsi (Obama)

Guddoomiyaha gudida illaalinta iyo daba-galka hantida qaranka golaha wakiilada Somaliland,waxaa uu sida oo kale uu halkaasi ka cadeeyey in kadib baadhitaan dheer oo khuseeya hay’ada hanta-dhawrka guud ee qaranka ay ku ogaadeen in aan maamulka hay’addaasi wax wada shaqayn ahi ka dhaxayn,sida oo kalena uu diidaayo guddoomiyaha hanta dhawrku in uu guddida u soo gudbiyo warbixin ka hadlaysa musuqmaasuqa hadheeyey laamaha hay’adaha dawlada ee xukuumada Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay.

 “Ka dib markaanu in badan eegaynay Xogona ka urur-sanaynay Hay’adda Hanti-dharka Guud waxaan  noo soo baxday 1. In Aanay wax wada shaqayni ka dhexayn madaxda u saraysa Hay’ada, Gudoomiyahuna Lumiyey Nidaamkii wadasghaqayneed ee Hay’adda 2. In Shaqada Hay’addu ay ku kooban tahay Gudoomiyaha oo uuweheliyo agaasimaha Dawlada dhexe 3. In Hay’adu noqotay Hay’addaha ugu hoosaysa tayo ahaan intii aanu la kulmaynay madaxda qaranka, anagoo Hay’adaha ku qiimayna warbixinada ay nasiiyaan iyo xogo oo aanu badanaa ka helno siyaabaha ay hayadahu amaba wasaaraduhu ku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.4. In Gudoomiyahu aanu ogolayn in xogo qoraala uga gudbiyo Golaha Musuqmaasaqa xukumada hadheeyey ee uu afka ka sheegaayo 5. In Hay’adda laftigeedu aanay ka madhnayn maamul xumo baahsan oo dhexdeeda ah taas oo sababi karta wax isdaba marin.”Ayuu yidhi Md:Maxamed Cali Xirsi (Obama).

Md:Maxamed Obama oo sida oo kale hadalkiisa sii wata waxaa uu ugu baaqay madaxweyne Siilaanyo in uu dib u eegis ku sameeyo hay’adda hanta-dhawrka qaranka, wax ka badal iyo kaabisna lagu sameeyo xeerka hanta-dhawrka oo uu sheegay in uu ku dhisnaa cahdi qarameed balse loo baahan yahay in la waafajiyo dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,sida oo kale xisaab xidhyadii uu golaha keenay hanta-dhawrka guud ee qaranku dib loogu celiyo si loo saxo isla mar ahaantaan loo soo raaciyo cadaymo dhamaystiran.

“Talo soo jeedinta Guddida:-Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hanti Qaranku waxay soo Jeedinayaan Qodobadan hoos ku xusa 1. In Madaxweynahu uu dib u eegis balaadhan oo kor iyo hoos ah ku sameeyo Hay’adda Hanti-dhawrka Qaranka 2. In Wax ka bedel kaabis lagu sameeyo Xeerka Hanti-dhawrka (Xeer 5/98) oo ku dhisnaa Cahdi Qarameedkii la waafajiyo Dastuurka JSL 3. In Xisaab-xidhyada 2008, 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2013 ee uu Hanti-dhawraha Guud Golaha keenay lagu wada celiyo si u u soo dhamaystiro, u soo saxo una soo raaciyo cadaymaha iyo Documents (Supported documents) looga baahan yahay”Ayuu yidhi Maxamed Cali Xirsi.

Guddoomiyaha gudida illaalinta iyo daba-galka hantida qaranka Somaliland, ayaa sida oo kale ka hadlay qaabka ay wasaaradaha dawladu u isticmaalaan miisaaniyada sanadkii looga ansixiyo golaha wakiilada Somaliland iyo sida ay gobalada dalka u kala gaadho.

“"Wasaarada Waxbarashada waa 113,328 dollar,gobalka AWdal 1500-dollar oo qudha ayaa ka gaadha,gobalka Saaxil waxba kama gaadhaan, gobalka Togdheer 888-dollar ayaa ka gaadha,gobalka Sool 565-dollar ayaa ka gaadha.Wasaarada Qorsheynta 16000-dollar ah,60-dollar ayaa Awdal ka gaadha,Gabiley waxba kama gaadhaan,341-dollar ayaa Saaxil, 50-dollar ayaa ka gaadha Togdheer, 47-dollar ayaa ka gaadha Sool. Wasaarada Caafimaadka 151369-dollar, Awdal waxaa ka gaadha 1800-dollar gabiley waxba kama gaadhaan, gobalka Saaxil waxba kama gaadhaan, gobalka Togdheer 4000-dollar ayaa ka gaadha”Ayuu yidhi Maxamed Cali Xirsi Obama.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama), waxaa uu sida oo kale uu sheega in isu duwayaasha gobalada dalku aanay xuquuqdii ay lahaayeen ka helin haba-yaraatee wasaaradaha dawlada, waxaana uu tibaaxay in miisaaniyada ay sanad walba wasaaradaha uga ansixiyaan golaha wakiiladu aanay ahayn mid ka turjunta guud ahaan dalka oo dhan isla mar ahaantaana gaadha laamaha haayadaha dawladu ay ku leeyihiin gobalada dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay in wasiirada wasaaraduhu marka ay qorshe miisaaniyadeedkooda soo gudbinayaan aanay haba-yaraatee waxba ugu talo galin laamaha ay wasaaradahu ku leeyihiin gobalada dalka.

“Mudanayaal annaga waxaa halkaas nooga muuqatay in wasaaradaha dawlada ee ka dhisan gobalada ama isu-duwayaashu, xuquuqdii ay lahaayeen in aanay helin, wasaarad kasta miisaaniyada aynu u ansixino waxaa aynu inagu umalaynaynaa in wasaaradaasi miisaaniyada ay soo qoratay aynu gobalada dalka oo dhan u ansixinayno  imika halkani waa maamul, maaha miisaaniyada aynu ansixinay mid laga dabatagaayo gabi ahaanba waa miisaaniyad aynu ansixinay miisaaniyada aynu asixinay isuduwayaashu waxba kama helaan, qaladkuna waxaa uu dulyaala wasiir kasta oo miisaaniyad soo samaystay in aanu gobaladii eegin,xafiisyo malaha,gaadiid badankoodu malaha, waa sida ay badhasaabada gobaladu ay noo sheegeen, wax aanu iska sheegnayna ma jirto, mid walibana hadalkiisii oo duuban ayaanu haynaa oo qoran, intaa waxii ka sii dheeraad ah ee ama isuduwayaasha,badhasaabada iyo maayarada khuseeya warbixinta ayaad si faah faahsan aad ugu tagi kartaan"Ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama).