Akhri, Oo Ha Qoslin

0
578

Hargeysa (Geeska)- Waxa la sheegaa in beri ay tuugi ku badatay deegaan, dadkii oo khatiyaan ka taagan ayaa in badan ku canaantay Booliiska in ay wax ka qaban waayeen tuugtan soo badatay taas oo keentay in madaxdii Booliiskuna ay aad u canaantaan askartooda faraanna in la qabto tuugtan.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin Booliis ahi uu ka shakiyay nin si gucle ah u socda ka dib waa uu daba galay. Markii uu in yar daba socday ayuu ninkii kordhiyay orodkii, ninkii booliiska ahaa waxa uu isna kordhiyay socodkii laakiin markii uu ninkii arkay ayaabu cagaha wax ka dayay. Ninkii booliiska ahaa waxa ka daba orday ninkiii ordayay rubuc saac kadib ayaanu qabtay. Kadib waxa uu weydiiyey, “Markii aad I aragtay maxaad u carartay..? Shaki igagama jiro in aad Tuug ama dembiile kale oo caddaaladda ka baxsanaya tahay”.

Ninkii ordayey ayaa yidhi, “Ilaahay ayaan ka nabad gelayaa waxa aad sheegayso, waxa aan ahay nin sharaf leh” Booliiskii ayaa yidhi, “Oo haddaa maxaad u baxsanaysay” ninkii waxa uu ku jawaabay, “Adeer kaama aan baxsanayn ee dhaqtarkayga ayaa igula taliyay in aan maalin kasta ordo Rubuc saac,” booliiskii ayaa u jawaabay, “Haddii sida aad sheegayso ay tahay, markii aad aragtay in aan kugu daba jiro ayaad istaagi lahayd,” ninkii waxa uu ku jawaabay, “Waxa aan ku moodayay in aad ka mid tahay dadka dhaqtarkan la xidhiidha oo adigana uu ku yidhi Orod (Carar), markaa dhiirri gelin ayaan kaa sii dhiganayey”