Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
551

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

– Ka soo qaad in aad ku dhex gashay ood ama tiin, oo dharkaaga ay qodax badani kuu gashay… Miyaad la dagaalamaysaa maradaada iyo qodaxda, mise si qunyar ah ayaa aad isaga guraysaa…? Dabcan si degen ayaa aad isaga guraysaa adiga oo iska dhowraya in ay jidhka ay kaa gaadho, marka aad soo gurto, ma qanqaniinaysid qodaxda mana la dagaalamaysid ee inta aad dhan isaga tuurto ayaad iska soconaysaa. Dadka xun xuni waa sidaas oo kale, hala qasan ee si is-badbaadin leh uga dhex bax. Ogow oo aargoosiga aad kula kacdaa adiga ayaa uu wax kuu dhimaya. Ka aamus ayaa guul ah.

– Haddii dadku ay kugu qoslaan, oriyaan ama qayliyaan daacadnimadaada awgeed isagaa dulqaado. Xitaa haddii aad daacad tahay ama  aad hubto in aad xaq ku sugan tahay qof walba, ha ka filin in aad isku aragti noqotaan. Haddii aanu qofku rabin in uu xaqa arko (Uu is indho tirayo) Adigu kuma khasbi kartid aragtida aad waddo, keliya waxa ku saaran in aad sheegto inaad xaq ku sugan tahay. Ogow iyaga ayaa ay u taallaa qaadashada iyo qaadasho la’aantu, iyo rumaysashada iyo rumaysasho la’aantu.

– Si kasta oo aad qof u neceb tahay, ha ku farxin ba’iisa iyo masiibada ku dhacda. Ogow in ay suurto gal tahay in adna ay bari ku sugayso. Masiibo maalinna ma qaddo, haddii ay kaa maqantahay qayrkaa ayaa ay la joogtaa.

– Bani’aadamka Alle ayaa sharaf iyo karaamo dheeraysiiyay noolaha kale, haddii ay dhacdo in aad dagaal la gasho ama aad si uun ula kulanto mid kamida cidda aad is hayseen oo liita, waa ay kuu bannaantay inaad sharciga marisaa, laakiin ogow in naxariistu ay tahay ta furaha u ah nolosha, in uu noolaada naxariistaada awgeedna u hagaago ayaa dhaanta in uu dhinto.