Saliidda Dabiiciga Ahi Waa Daryeelka Ugu Fiican Ee Jidhka Ilmaha Yar

0
580

Picture10Berlin (Geeska)- Ururka daryeelka maqaarka iyo daweynta xasaasiyadda ee dalka Jarmalka ayaa dhowaan baadhitaanno uu sameeyey kadib waalidiinta dunida talo ku siiyey in carruurtooda dhasha ay ugu dhaashiyaan saliidaha dhirta laga soo miiro, taas oo ay sheegeen in ay daweyn karto xasaasiyadda isla markaana u fiican tahay nafaqaynta iyo daryeelka maqaarka ilmaha.

Xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen in faa’idada ay leedahay isticmaalka saliidda laga sameeyo geedka gabbal dayaha oo ay shegen in ay ku jiraan maaddooyin hoos ugu dhaadhaca maqaarka, oo iyaga oo aan daboolin daloolada maqaarka haddana ka dhiga mid isku siman sida xariirta, midabkiisa dabiiciga ahina soo baxo.

Dhinaca kalana waxa uu ururkan dhakhaatirita ahi sheegay in ay fiican tahay in kiriimada ilmaha dhashay loo marinayaa ay noqdaan kuwo aan caddar lahayn isla markaana aanay ku jirin maaddooyinka midabaynta iyo kuwa midabka ilaaliya ee inta badan lagu sameeyo kiriimada. Waxa ay sheegeen in ay fiican tahay in si joogto ah ilmaha loogu dhaashiyo, isla markanaa ay fiican tahay in hadba in yar la mariyo kadibna lagu duugo, halka ay dadka qaar ka isticmaalaan in ay xaddi badan oo kiriim ama saliid ah mar keliya jidhka ilmaha yar ku shubaan.