Akhriste, Ma Ogtahay

0
609

Hageysa (Geeska)- Waa qayb ka mid ah qoaallada taxanaha ah ee uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaago aqoon korodhsiga, waxa aanay soo bandhigaysaa masalooyin cilmi ah oo laga yaabo in marar badan ay maskaxdeenna ka maqan yihiin ama aynaan u fiirsan si aynu u fahanno cilmiga iyo xikmadaha Alle ee ku duugan.

– Ma’ Og tahay In magaca Jibriil uu la macna yahay Cabdillaahi.

– Ma’ Og tahay in midhicirada Bani’aadamka uu dhererkeedu gaadho 8 Mitir.

– Ma’ Og tahay in magaalada Wellington oo ah caasimadda dalka New-Zealand ay tahay magaalada cidhifka koonfureed u xigta Adduunka oo dhan, oo aanay jirin deegaan bani’aadam ku nool yahay oo dunida ka shisheeyaa.

– Ma’ Og tahay in magaalada barakaysan ee Al-Maddiina Al Munawara gudaheeda aanu ka dillaacin cudurka daacuunku.

– Ma’ Og tahay In xayawaanka Gerigu uu arki karo xaggiisa dambe isaga oo aan qoorta dib u jeedin, indhihiisa oo dibadda u soo baxsan awgeed ayuu kari karaa in uu wareejiyo si uu u arko xagga dambe.

– Ma’ Og tahay in Masaska dunida ku nooli ay yihiin 1000 Nooc oo 420 ka mid ahi ay sun leeyihiin.

– Ma’ Og tahay in magaalada Istanbuul ee dalka Turkey ay dahay laba daamood oo laba qaaradood oo dunida ah ku kala yaalla. Waa daan qaaradda Yurub ka tirsan iyo daan qaaradda Aasiya ka tirsan.

– Ma’ Og tahay in quruxda qofku aanay marwalba ku soo bixin Sawirka (Photo), oo ay dhacdo in ruux qurux badani aad ugu fool xumaado sawirka. Waayo, dadku waxa ay u qaybsamaan kuwo ku soo baxa sawirka oo afka qalaad lagu yidhaahdo Photogenic iyo ku aan ku soo bixin oo iyagana afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, Non-photogenic. Sidaa awgeed sawirku ma bixiyo quruxda runta ah ee qofka.