Hay’adda DRC Oo Kulan Shan Maalmood Socon Doona U Qabatay Ururada Xuququl Iinsaanka

0
3995

 

Picture1Hargerysa( Geeska )-Haay’ada DRC ayaa furtay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ku kulmeen haay’adaha ka shaqeeya arimaha xuquuqul iinsaanka. Kulankaas oo lagu gorfayn doono mudo shan maalmood ah da’daalada xuquuqul insaanka ee ururda iyo haayadaha kala duwan ay ku hawlan yahiin.

Kulankan ayaa ka soo baxay baadhitaan wajigii koowaad ay haay’ada DRC wax ku waydiinaysay ururada ku hawlan xuquuqda aadamaha, waxaana kulankaas ka soo baxay in loo baahan yahay aqoon isweydaarsi iyo xog wadaag si dal-daloolada jira loo buuxiyo dadkana si cad loogu gaadhsiiyo xuquuqda aadamaha ee ay tahay inay ilaaliyaan.

Kulankan waxa furay gudoomiye ku xigeenka komishanka xuquuqul insaanka qaranka Md.Maxamuud Garaad  Maxamed, waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaanu  mahadnaqaynaa haay’adan DRC iyo ururada iyo haay’adaha kale ee ka soo qabgalay kulnkan, muhiimada uu leeyahay kulnkani waa ay ka duwantahay siminaaro badan oo la qabto, waayo waxa uu ka hadlayaa quuqul iinsaankeenu halka uu  maraayo iyo sida wax loogu qaban karo iyo waxii la qaban lahaaba. Haayadan xuuqul iinsaanka ee dawladu waxa laga yaaba inay dad badan u arkaan inay dawlada uun u shaqayso runtii waa haay’ad dawli ah laakiin waa mid madaxbanaan oo u madax banaan ka shaqaynta iyo horumarinta xuquuqda aadamaha Somaliland iyo dadka ku nool ee aan u dhalanba.”

Intaas oo ka dib waxa furitaanka tababarkan ka hadlay Mr.Muumin oo ah isku xidhaha xuquul insaanka ee haay’ada DRC, waxaanu faahfaahin kooban ka baxiyay kulanka  “ Waa tababar ku saabsan xuquuqul iinsaanka oo loo qabtay haay’adaha ka shaqeeya arimaha xuuqda aadmaha la xidhiidha, waxaanay baryahanba waday DRC baadhitaan fahanka haay’adaha ka shaqeeya xuuuqda aadamaha iyo dadkii wax la gaadhsiinayay u dhaxeeya markaas aqoon is waydaarsigani waxa uu ka soo baxay baadhitaankaas si aan isku waydiino waxa inaga dhiman iyo waxa aynu ku kordhin karno, waxaanu socon doonaa kulankan shan maalmood.”

Ugu danbayntii waxa aqoon is waydaarsigan si toos ah u  bilaabay Cabdrisaaq Cali  Yuusf, waxaanu hadalo kooban oo uu halkaas ka yidhi ka mid ahaa “ Waxa soo abaabulay barnaamijkan haay’ada DRC isla markaasna uu dhamaaday wajigii hire oo lagu eegayay ururada ka shaqeeya xuquuqul insaanka halka ay ka jirto baahida ee ay mudho dhal ka noqon waayeen, baadhitaankaas kadibban waxa la qabtay aqoon is waydaarsigan..”

Kulankan ayaa la filayaa in waxbadan dib loog eegi doono si loo daboolo baahiyaha ka jira dhanka xuquuqul insaanka ee Somaliland, isla markaasna dadka loo gaadhsiiyo wacyi galin ku filan sidii ay tacadiyada aadamaha ka dhanka ah ay isaga ilaalin lahaayeen.