Lammanaha Da’doodu Kala Weyn Tahay 5 Wax Ka Badani Waxa Ay Khatar U Yihiin In Aanu Qoyskoodu Waarin

0
706

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Atlanta ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in fashilaadda ku dhacda guurka sababaha ugu badan ee keena ay ka mid tahay labada qof oo da’ aad u weyni u dhexeyso cimrigooda.

Cilmibaadhistan ayaa sheegaysa in mar kasta oo da’da lammaanaha is guursanayaa kala weyn yihiin ay sii korodho ay la badanayso khatarta ah in qoyska ay wada dhisaan aanu waarin. Cilmibaadhistani waxa ay muujisay in haddii ninka iyo gabadha is guursanayaa ay kala weyn yihiin 10 sano ay khatarta ah in ay is furan muddo kadib kor u kacayso illaa boqolkiiba 39, haddii da’da u dhaxaysaa ay noqoto 20 sano boqolkiiba 59 ayaa ay noqonaysaa cabsida laga qabo in ay ku fashilmaan dhismaha qoyskooda, haddii kala da’da u dhaxaysaa ay 30 sano gaadhana, heerka fashilaadda guurkoodu waxa ay gaadhaysaa boqolkiiba 72, waayo waxa ay noqonayaan laba jiil oo kala duwan, taasina waxa ay meesha ka saaraysaa is fahamkooda.

Ugu dambayntii waxa ay khubarada cilmibaadhistan samaysay ku adkaysteen in da’da ugu habboon ee ay tahay in ay kala weynaadaan lammaanaha is guursanayaa ay tahay 5 sano oo keliya, taas oo kor u qaadaysa rajada laga qabo in qoyskoodu uu noqdo qoys negi oo farxad iyo is faham nolosha ku wadaaga.