“Madaxweynaha Iyo Reerkiisa Wax Xumaan Ah Oo Naga Dhexeeya Ma Jirto. Xukuumadani Dhinac Ayey Ka Rarantay, Cidna Umay Xaqsoorin”

0
495

Picture2Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale ka tirsanaa Wasiirna ka soo noqday Wasaaradaha Beeraha iyo Caafimaadka,  kana mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, oo muddo aad u dheer ay iskugu dambaysay Madaxweynaha ayaa sheegay in wax xumaan ah oo Madaxweynaha ka dhexeeysa aanay jirin, ee kala mabda ay noqdeen, waxaanu sheegay inuu isagu la dhisay Madaxweynaha XIsbiga Kulmiye, kana mid yahay aasaasyaashii Xisbiga Kulmiye.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed ayaa sidoo kale Xukuumadda ku dhaliilay in aanay u cadaalad sameeynin Beelaha Somaliland oo si siman oo cadaaladi ku jirto aanay Beelaha xilal u wada siin.

Cabdi Haybe Maxamed oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyay, ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo kale.   “Madaxweynaha waxa aan ahaa Raggii la aasaasay Xisbiga Kulmiye, aniga iyo  ALLE ha u naxariiste Xoghayihi guud ee Xsbiga Daauud Maxamed Geele, ayaa la aasaasay, waxaan ka mid ahaa Raggii Madaxweynaha la kiciyey XIsbiga, ee la soo dhisay, isla markaana ka soo saaray Urur una soo gudbiyey Xisbi, Madaxweynaha iyo reerkiisa wax xumaan ah oo naga dhexeeya ma jirto, aniguna UDUB ayaan Wasiir ka noqday isna XIsbigii ayuu sii joogay, imikana Saddexda XIsbi midna ma ihi, Doorashana ma jirto ee maxaan ku biira.” Ayuu yidhi Cabdi Haybe Maxamed.

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Doorashada wuxuu yidhi “Doorasho ma jirto, dhaqdhaaqa imika la wadaana waa kordhis, oo Xukuumaddu kordhis ayey doonaysaa ,oo Kaadhka Codbixinta lagu galayo waxa ay ahayd in lix bilood ka hor la sii qaato, ilaa haddana lama qaadan,  Madaxweynuhuna xaq ayuu u leeyahay kordhiska, maxa yeelay  Cigaal iyo Daahir Rayaaleba waa loo kordhiyey”

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey loolanka Musharaxnimada XIsbiga Kulmiye ee Madaxweynaha kadib ayaa yidhi “Saddexdan Nin ee Muuse Biixi, Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis waa isku reer, oo Doorasho aan la gaadhin, oo ah quud aan jirin qoryo u guro ayey isku haystaan, oo Doorasho hawo ah ayey ku tartamayaan reerkiina ku khal-khaliyeen, Madaxweynuhuna xaq ayuu u leeyahay mar labaad inuu isa soo sharaxo, laakiin waxa ay isku kharash gareeyeen Doorasho aan waddadeediiba la haynin”

Cabdi Haybe oo ka hadlaya qunsuliyadaha laga furo Somaliland  ee haddana uu safiirkoodu Muqdisho oo Somaliya ah joogo  “Marka la leeyahay Turkiga ama Wadan kale ayaanu qunsuliyad u furnay, Safiirkiina wuxuu jooga Somaliya, Safaaradina ay Muqdisho ka dhisan tahay markaas maxaynu nahay, ma Maamul Goboleed ayeynu nahay, markaas waxa aynu caddeynaynaa inaynu nahay Caasimaddii labaad ee Somaliya, Dawladdu may ahayn in qunsliyad Safiirkeedii Xamar fadhiyo inay dalka ka furto”.

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa  yidhi “Dhawr jeer ayey Somaliland iyo Somaliya ku wada hadleen Turkiga, waxaana xaqiiqo ah in Turkigu uu doonayo  Somali-weyn,inaga waxa faa’iido ah oo uu inoo haya ma jirto,  waxaana anigu qabaa in wada hadladani yihiin lugooyo, haddii wada hadalada daacad laga hayahay, waxa haboon in dad ka socda Gobolada Somaliland oo dhami ka qeyb galaan,laakiin afar ila shan qof oo isku reer ahi, oo wada isaaq ahi maaha inay ka qeyb galaan”.

Cabdi Haybe ayaa Xukuumadda ku dhaliilay sida ay wax u wado waxaana uu yidhi “Xukuumaddani dhinac ayey ka rarantay, marka la leeyahay dadka ha loo xaqsooro, Xukuumaddani cidna umay xaqsoorin, marka laga yimaado Beelaha Darafyada, Beesha dhexe Beelana waa  loo tuulay, Beelana wey ka madhan yihiin, oo Wasaaraddihii waaweynaa Beesha Dhexe ayaa haysata, oo walibana Beesha Dhexe ayaa isa sii dulmiyeysay, Ciisuhu wuu qantan yahay, Hartigu sidaas si leeg, Samaroontu Siddeed Sanno ayey dalka xukumayeen, haddana Madaxweyne ku xigeen ayey leeyihiin, inkasta oo Wasiiradii ugu liitay la siiyey, Beesha Gobolka Hawd Wasaarad loo kala jaray, oo looga kala dhigay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaaradda Cadaalada, halka Wahkti ay ka lahaan jireen Saddex Wsaaraddood oo waaweyn, sida Arrimaha Dibada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Macdanta iyo Biyaha, waa caamays Wasiiradda hadda la siiyey. Gobolka Hawd, waa halkii dalka laga xoreeyey, waa Aabihii iyo Hooyadii Somaliland,horumarka dalka laga bixinayana waxa aan filayaa in laga siiyey wax yar, waxaana ugu muhiimsanaa in Ceel ama Laba Ceel la siiyo, waxa aanu ognahay in Ceelal badan oo dalka lagu tabarucay oo afartan iyo dheeraad ah in aan hal Ceelna laga siin Baligubadle iyo Tuulooyinka hoos yimaada, waxayna ahayd in Dawladdan Kulmiye ay muhiimada siiso Gobolka Hawd oo ah halkii laga xoreeyey Somaliland,  oo walibana xasiloonida aynu ku faanana keentay, iyada oo Suldaan Maxamed uu yahay Suldaankii ugu horeeyey ee Hubka wareejiya, sidaas darteed waxa ay ahayd in Caafimaadka Gobolka wax laga qabto, oo Waadhadhka la kordhiyo, oo horumarkan la sheegayo waxa lagaga soo daro, oo Cisbitaal weyn oo Gobolka u qalma laga dhiso, oo MCH-yada wax laga siiyo”.

Cabdi Haybe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Shaqaalaha Caafimaadka ee Gobolka Hawd jooga waa Shaqaale aad u wanaagsan, cay ma laha, Hay’adda World Vision ee la geeyey, maaha Hay’ad xun balse turjumaanada iyo kuwa hor boodaya ayaa wax qasay, oo waxa jirta in xittaa shaqaalaha Mushaharkoodii la cunay.”

Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey Warshada Laydhka Dawladda ayaa yidhi “Warshadan Laydhka ee Dawladda ee ku taala Xaafada Axmed Dhagax, ee la leeyahay shaqsiyaad ayaa la siiyey, oo waxa la yidhi Boqolkiiba Sodon (30%), Nin ayaa la siiyey, Boqolkiiba Soddona waxa la siiyey Dahabshiil, Boqolkiiba Soddona waxa qaadatay Dawladda, Boqolkiiba Tobana waxa la siiyey Madaxweyne ku xigeenka, waxaasina waxa la qaadan karo maaha, inta la siinayo Madaxweyne ku xigeenka waxa haboon in Degmada ay Warshadu ka dhisan tahay la siiyo si Waddada loogu daro.”