Musharax Mukhtaar Xasan Daahir Oo Lagu Dhawaaqay Murashaxnmadiisa

0
684

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasima beesha Gun-buur ee Habar-yoonis ay shaacinaysay murashaxnimada Mukhtaar Xasan Daahir(Caga-faadh) oo gobalka Maroodi-jeex uga tartami doona doorashooyinka aqalka golaha wakiilada Somaliland ee fooda inagu so haya, sida oo kalena ka sharaxan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa lagu qabtay hotel Kaah ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qayb galay murashax Mukhtaar Xasan Daahir(Caga-Faadh),madaxdhaqameed, ganacsato, wax-garad, aqoonyahan, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo ka soo jeeda beesha Gun-buur ee Habar-yoonis.

Caaqilka guud ee beesha Gun-buur/Habar-yoonis Caaqil Daarood Xirsi Xandule oo halkaasi ugu horeyn ka hadlay, ayaa sheegay in ka beel ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ay isku raacaan murashaxnimada Mukhtaar Xasan Daahir(Caga-faadh) oo ah nin aqoonyahan ah sida oo kalena kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta beesha uu ka soo jeedo iyo sida oo kale guud ahaanba meelo badan oo Somaliland ka mid ah, waxaana uu sheegay in ka beel ahaan ay si aada ugu faraxsan yihiin in Mukhtaar Xasan Daahir uu isu soo taago murashaxnimada aqalka golaha wakiilada Somaliland.

Odey Axmed Warsame Cali oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in murashax Mukhtaar Xasan Daahir uu noqda shakhsiga kaliya ee ay ka beel ahaan isku raaceen, waxaana uu carabka ku adkeeyey in ay ula diyaar yihiin waxii cod ah ee uu ku soo bixi lahaa.

Waxaa sida oo kale madashashaasi ka hadlay madax-dhaqameed iyo wax-garad ay ka mid ahaayeen Xasan Haybe, Aadan Yuusuf(Aadan Jiir),Cismaan Ibraahim Fasal, Cali Yuusuf Wacays(Dhaga-weyne),Odey Iimaan Diiriye iyo Ismaaciil Axmed Qaasaali kuwaasi oo dhamaantoodba ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay taageerada buuxda ee ay u hayaan murashax Mukhtaar Xasan Daahir(Caga-Faadh), waxaana ay ku amaaneen in uu yahay nin u qalma xilka uu isu soo sharaxay isla mar ahaantaana leh aqoontii iyo kartidii uu kaga soo bixi lahaa hawlahaas shaqo.

Ugu danbeyna waxaa halkaasi ka hadlay murashax Mukhtaar Xasan Daahir, ayaa ugu horeyn waxaa uu si weyn ugu mahad celiyey dhamaanba dadkii ku dhiiri galiyey in uu isu soo sharaxo aqalka golaha wakiialda Somaliland, isaga oo sida oo kalena faah faahin ka bixiyey waxyaabihii ku kalifay in uu isa soo sharaxo, waxaana uu tilmaamay in uu doonayo sidii uu uga shaqayn lahaa kor u qaadida hanaanka cadaaladeed ee dalka iyo sida oo kale ka shaqaynta horumarinta deegaamada uu ka soo jeedo iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.