Akhri Oo Ha Qoslin! Hinaasaha Iyo Haweenka:

0
536

Hargeysa (Geeska)- Mid ka mid ah qisaska maadayska ah ee carabta oo uu maanta Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayo ayaa lagu sheegay in Gabadhi ay beri jeebka saygeeda ka heshay sawir dumar oo aanay garanayn qofka ay tahay. Kkadib inta ay hinaase is madax martay ayay tagtay Maxkamadda, waxa aanay Qaadigii ka dalbatay in uu ka furo Ninkan, oo ay ku eedaysay in uu khaayin yahay oo dumar kale uu xidhiidh la leeyahay. Waxa aanay dacwaddeeda marag uga dhigatay sawirkan ay garsooraha u sheegtay in ay ka heshay jeebka saygeeda oo aanu isaguna diiddanaynba in uu sawirkaas sitay. Garsoorihii ayaa gabadhan ka codsaday bal in ay sawirka gabadha soo hor dhigto, laakiin garsoorihii waxaa amakaag ku noqotay isu ekaanshiyaha gabadhan dacwoonaysa iyo sawirka ay sidato, isaga oo yaabban ayaanu eedaysanihii weydiiyey bal in uu ka war bixiyo sawirku qofka uu yahay iyo xidhiidhka ka dhexeeya gabadhaas.

Ninkii ayaa garsooraha u sheegay in sawirkani uu yahay isla gabadhan laftigeeda, balse xilliga sawirkaas laga qaaday ay ka soo wareegtay muddo aad u dheer. Muddada fog ee ay ninkan iyo gabadhani is qabeen darteed gabadhu waa ay si beddeshay oo qof weyn ayaa ay noqotay laakiin xilligaas waxa ay ahayd inan yar. Markii garsoorihii gabadhii u caqli celiyey ee uu ka cosaday bal in iyada oo ay hinaasaha dhinac iska dhigto oo ay si deggen mar labaad sawirka u eegto dibna u xasuusato yaraanteedii, gabadhii waxa ay qirtay in sawirkani uu yahay iyada oo aad u yar, laakiin markii hore aanay u fiirsan oo hinaase uu madax maray.