Marwo Edna Aaden Oo Is Barbar-dhigtay Lacagaha Ay Somaliya Ku Hesho Aqoonsiga Ee La Lunsado Iyo Sida Ay Reer Somaliland Aqoonsi La’aan Isugu Tashadeen

0
518

Edna Adan IsmaelHargeysa(Geeska)-Marwo Edna Aaden Ismaaciil, ayaa sheegtay in shacabka Somaliland inkastoo uu aqoonsigu ka maqanyahay haddana ay qabsadeen wax la taaban karo, halka Somaliya oo aqoonsi haysataa ay ku jirto mushikilado iyo colaado.

Marwo Edna Aden, oo dhawaan waraysi siisay majalad lagu magacaabo Daily Sabah oo wadanka Turkiga ka jirta, ayaa sheegtay in reer Somaliland isku tashadeen oo ay u diyaar garoobeen sidii ay u sii wadi lahaayeen horumarka.  “Waxa aan is leeyahay Somaliland maanta sidii hore waa ay ka fiican tahay. Waa run in aanay weli dunidu u aqoonsan dal madax bannaan, laakiin marka loo eego aqoonsi la’aanta waxa aanu samaynay wax aad u fiican, waananu ka xasiloonnay Soomaaliya oo la aqoonsan yahay, balse weli ah dal aan xasiloonayn.” Ayay tidhi Edna Aden.

Iyadoo hadalkiida sii wadata waxay tidhi “Waa run in aqoonsigu uu Soomaaliya u soo jiiday gargaar lacageed oo caalamiya, oo la lunsado lana xalaalaystay, laakiin caawimadaasi may barin sida dal loo maamulo. Halka annaga, Somaliland aanu isku tashannay oo aanu kabaha u giijisannay dalkayaga.”

Edna Aden, waxay ka hadashay cisbitaalka Edna Aden Maternity hospital ee ay Hargeysa ka hirgelisay oo ay sheegtay inuu hadda isu rogay cisbitaal guud, baahida jirta darted “qorshuhu wuxuu mar walba ahaa cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka, laakiin xaqiidii ayaa na tustay in baahi ka badan hooyada iyo dhalaanku jirto, waxaanu hadda noqday cisbitaal guud.” Ayay tidhi Marwo Edna Aden.

Waxa ay intaas raacisay in Cisbitaalku soo saaray umulisooyin iyo kalkaalisayaal caafimaad oo xirfad leh kuwaas oo uu wadanku baahi weyn u qabo.