Akhri, Oo Ha Qoslin: Aargoosigii Cunto Kariyaha Taajirka

0
593

Hargeysa (Geeska)- Waa mid kale oo ka mid ah, qisaska maadayska ah ee uu Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaago. Qisadan oo aynu ka soo qaadannay qoraallada dhaqanka ah ee Carabtii hore waxa ay leedahay; “Waxa jiri jiray nin taajir ah oo ay u shaqeeyaan shaqaale tiro badani, shaqaalahaas waxa ka mid ahaa cunto kariye aad u xariif ahaa oo taajirkan madbakha uga masuul ahaa. Ninkan taajirka ahi waxa uu ahaa nin aad u dabeecad qalafsan aadna ugu canaan badan cunto kariyaha.

Muddo kadib ayaa uu ninkii taajirka ahaa dib ugu noqday naftiisa iyo dabeecadaheeda, waxa aanu dareemay in dad la dhaqankiisu aad u kakan yahay, si gaar ahna uu ku canaan iyo qaylo badan yahay cunto kariyihiisa oo uu qirsanaa in uu yahay nin cuntada aad ugu xariif ah, asluubtiisuna fiican tahay. Taarjiku waxa uu go’aansaday in uu wax ka beddelo dhaqanadiisa, canaantana ka daayo cunto kariyaha, si uu arrintaas u dhaqan geliyo, ayaa uu u yeedhay cunto kariyihii kadib waxa uu ku yidhi, “Waxa aan kuugu yeedhay in aan kaa raalli geliyo wixii canaan iyo qallafsanaan ahaa ee aad hore iga aragtay, waxa aanan kuu labban qaadayaa in aan dabeecaddaas beddelayo, oo maanta kadib aanan erey adag iyo macaamil qallafsan kuu quudhi doonin” Waxase yaab iyo u qaadan waa ku noqotay markii uu cunto kariyihii oo aad u faraxsani ugu jawaabay, “Anna waxa aan kuu ballan qaadayaa in maantta kadib aanan maraqa candhuuf kuugu soo tufi doonin”