Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Sheegay Inay Soo Bandhigayaan Siddeed (8) Wasiir Oo Guryo Dabaqyo Ah Ka Dhistay Hantida Qaranka

0
482

Picture7Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inay dhawaan soo bandhigi doonaan siddeed wasiir oo guryo dabaqyo ah ka dhistay hantida qaranka.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa  sidoo kale waxa uu eeddo u jeediyay wasiirada madaxtooyada iyo maaliyada.  “In Golihii Wakiiladu uu noqdo

(Eeg Bogga 2aad)

Gole ansixineed waa ayaan daro, oo gacanta la iska tago, oo marka Guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranku sheegay in musuq badani jiro waa ayaan daro in qaar ka mid ah Xildhibaanada habeenkii loo qaybiyo Caano, oo aan waxba la hagaajin, waana wax hortaagan Golaha Wakiilada, waxa la ii sheegay in Haamihii Shidaalku ay kordhiyeen Lacagtii ay ka qaadayeen Shidaalka, Xukuumaddani markii ay xilka la wareegtay Litirka Shidaalku waxa uu ahaa afar kun, Maantana waa Todoba kun,iyada oo qiimihii Shidaalka ee Adduunku uu hoos u dhacay, oo Samaale ayaa laban laab kordhiyey,khiyaanada Qaran ee uu sameeyeyna waxa ka mid ah qiimihii Shidaalka oo uu kordhiyey, waxa kale oo uu kordhiyey Raydkii qiimihii Doolarka,oo Saddex kun ayuu ugu yimid, Maantana waxa ay maraysaa Shan kun oo Shilin,Cashuurtana dadka ayey saaran tahay, waxaanad mooda in Dalkan loo xidhay dad gaar ah Shirkad Shidaal soo dajisa oo Cashuur laga qaada ma jirto, ee dadka ayey Cashuurta ka qaadan, oo dad gaar ah ayaa dalkii loo xidhay, , Inankan yar ee loo dhiibay Haamha Shidaalka ee la yidhi ilaali Haamaha Shidaalka, maaha wakaaladii Shidaalka ee waa ilaaliye, ee may ahayn inuu wax kordhiyo”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa khalad ahayd oo hore ugu jiray oo lacagta Haamaha Shidaalku qaado ka mid ahaa Lacagtii ay Total sheeganaysa inay dib u habayn ugu sameeysay Haamaha Shidaalka, markaas ma Total ayaa Maanta lacagta saaraysa, 13-dollar ee Total ayaa wali la gurtaa oo aan Cashuur ahayn, waxaan markaas arkaa in duulan lagu hayahay noloshii dadka, malab yar ayaa qiimihiisi la dhimay, Raashinkiina waa la kordhiyey.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxay Xukuumaddani tidhaahda Misaaniyadii ayaanu kordhinay, waxa ay ugu yimadeen 75-Milyan,waxayna imika yidhaahdan waxa aanu marinaynaa 250 waa beentooda, waxay kordhiyeen qiimihii Cashuurta ee dadka oo waxa ay khiyaameen dadkii, Maalinta uu yidhaahdo waxa ayaan kordhiyey laba kun oo reer ayuu dabkoodu bakhtiyaa, oo waxa aanu ognahay in Maanta tiraba Siddeedaad Wasiir ay marayaan oo ay dhisteen Fooqaq min laba dabaq ah, oo si cad ayaanu Wasiiradda dhawaan u soo bandhigaynaa”.

Xildhibaan Siciid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Golaha wakiiladu uu iska barakaysayn yahay musuqmaasuqii ayuu ansixinaya, Misaaniyadii oo musuqmaasuq badani ku jiro oo haddii Ardayda Jaamacadaha loo dhiibo ay qajilayaan ayaa la ansixiyey, wali caalamka lama arag lacag cad oo la soo daabacay oo misaaniyada ku jirta, lama arag hanta umaddeed oo la dabar gooyo oo la yidhaahdo misaaniyaddii ayaa korodhay,oo hadda Ardayda Jaamacadaha ayaanu u qaybinaynaa oo Daraasado iyo baadhitaano ayaanu sameeynaynaa Caalamku ha inala yaabee”

Xildhibaan SIciid Gaane oo ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa  yidhi “Inkasta oo aan dhaliilsan ahay qaabka loo furay wada hadalada Somaliland iyo Soamliya, haddana wey fiicnayd in la furo inkasata oo ay haboon tahay in Somaliya lala hadlo, balse waxa aan dhaliilaya qaabka loo furay wada hadalada, wixii ka dambeeyey Shirkii London inaga wax dan ah oo ay inoo lahaayeen ma jiraan, waxay Xukuumaddani Somaliya saxeexday in ku meel gaadhnimada laga saaro,waxa ay u saxeexday in Hawadeena lagu wareejiyo, Shirkii Jabuuti waxa ku jiray waxyaabaha carqalada galinaya wada hadalada in lala kala xishooda, waa kuwaas faraha inala soo galay iyadoo raadki wada hadaladu qoyan yahay”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey awooda Wasiirka Madaxtooyada ayaa  yidhi “Wada hadaladaas ha laga fiirsado, maalin walba wax ayaa inagaga sii dhaca, sidan wada hadalada laguma geli karo, wada hadalani go’aan ma leh, waxa laga hadlayo lama garanayo, wefti ayaa mar walba la dirayaa oo haddana iska soo noqonaya, oo xitta nidaamka ay ku tageen ayaa khalad ah, iyada oo labadii Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiilada iyo Guurtidu marayaan auu Xirsi yidhaahdaa aniga ayaa  wata weftiga, oo goorma ayuu nidaamka iyo hogaaminta ka yeeshay Madaxda Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada”.

Xildhibaan Siciid mar uu ka hadlaayey Warshada Laydhka Hargeysa ee ay Xukuumaddu wareejisay ayaa yidhi “Warshadaas laydhka ee la wareejiyey sharci maaha, in Warshada dadka laga qeyb galiyo ma diidanin, balse xeer ayaa sheegaya sida loo ilaaliyo hantida Qaranka ilaa haddana xeerkii lama hayo, waxaana Masuul ka ah Xukuumadda, Garsoorka iyo Golayaasha oo ah Dawladda, oo labada Warshadood ee Laydhka ee Hargeysa iyo Berbera labaduba Misaaniyada ayey ku jiraan, oo Lacag fara badan ayaa la siiyey, waxa kale oo ay ahayd inta aan la wareejin in la soo qiimeeyo hantida meesha taala iyo maxa galaya, kadibna in la ogaado waxa Qaranka u hadhaya iyo waxa kale, walibana aan cid gaar ah lagu soo koobin karin, waxaana leeyahay waxa suurtagal ah maaha, ee ha laga noqdo, Madaxweyne ku xigeenka hore ayaanu warqad ugu qornay ilaa haddana noomu soo jawaabin, walibana waanu arkaynaa inuu boqolkiiba toban uu ku darsaday Warshada Laydhka oo ay khalad tahay”.

Xildhibaan Siciid Gaane oo ka hadlay tabashada reer Awdal ayaa  yidhi “Tabashada reer Awdal waxa jira weeye, waana arin ay ka muuqatay inay reer Awdal yihiin Hooyadii Somaliland, iyaga oo wax tabtay ayey ku soo gaadhsiiyeen oo ay yidhaahdeen wax ayaanu tabanaynaa, ee ha la iga garbaxo, balse waxa dhibaato ah in iyaga oo mar hore tabashadooda u gudbiyey Madaxweynaha in ilaa hadda aanu jawaabin, waxna aanu ka qaban tabashadooda, in Suldaan yar oo xanaaqay oo reer Awdal aanay la qabin in kumaan Ciidan Gobolka Awdal la geeya waa khalad,dagaalo ayaa dhici jiray oo waa la xalin jiray, Xukuumaddana waxa ay ka luntay waddadii ay Somaliland wax ku xalin jirtay”. Siciid Gaane waxa uu hadalkiisi ku daray “Somaliland iyada ayaa xaq u leh kheyraadkeeda inay maamulato, soona saarato, Somaliyana xaq uma laha in dal madax banaan, oo tabashada oo maamulkiisa leh inay soo fara galiso, oo ay tidhaahdo wixiina ma maamulan kartaan, laakiin se cadaw iyo nacaba waxa noo jabisay Xukuumaddan, iyada ayaa jabisay markii ay Sharcii baalmartay, musuqna ku dhaqaaqday inay cid waliba doonato, wada shaqayn la’aanteeda ayaana keentay inay cid waliba hungurayso, Xukuumadda Xasan Sheekhna waxa aan ugu baaqayaa in aanay soo faragelin arrimaha Somaliland, Xukuumadda Somaliland waxa aan ugu baaqaya  inay sharciga ilaaliso”.

Xildhibaan Siciid Gaane ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddu doonayso in Doorashadu dib u dhacdo.