Casharrada Nolosha (4): Wax Bixintu Waa Furaha Farxadda, Guul –Darraduna Guusha Ayaa Ay Dhasha

0
763

Hargeysa (Geeska Afrika)- Casharka Afaraad ee duruustii aynu ugu magacdarnay ‘Casharrada Nolosha’ oo aynu aalaaba ka soo qaadanno buugga ‘Mawcidun macal xayaat’ waxa aynu ku soo qaadanaynaa saddex qiso oo tusaale u ah farxadda, jidka guusha iyo sidaay u fiican tahay in qofku uu waayaha wax ka barto.

1. Nin darawal ka ah bas weyn oo kuwa rakaabka ee magaalooyinka ka dhex shaqeeya ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah isaga oo hawshii ku dhex jira inta uu si kedis ah baskii meel waddada ka baxsan u dhigay degey, cabbaar kadibna soo noqday isaga oo sida bac xalwad iyo mac-macaanno ah, inta uu baska qaybtii rakaabka soo fuulay ayaanu mid kasta xidho siiyey. In kasta oo aanu ninku rakaabka u sheegin sababta uu sidan u yeelay haddana qaybintiisani waxa ay horseedday sheeko iyo in rakaabkii si firfircoon isu weydaarsadaa haasaawe kala duwan.

Warfidiyeen qisadan maqlay ayaa maalitii dambe ninkii baska waday soo raadsaday oo inta uu u yimid waydiiyey bal hadda in uu sharraxo waxa uu maalintaas u jeeday, darawalkiina waxa uu ku jawaabay, ‘Wejiyada dadka rakaabka ah ayaa aan ka dareemay madluun iyo in ruux kastaa naftiisa la mashquulsan yahay, kadib waxa aan go’aansaday in aan sameeyo wax furfura oo farxaddii u soo celiya, midda kale aniga qudhayduna waxa aan dareemayey in wax-bixintu qofka farxad u horseeddo. ‘Xikmadda ugu weyn ee hadalka ninkan laga dheefay waxa ay ahayd in qofku waxbixinta farxad ka qaado. Markaa talada wargeysku waa in marka aad murugo iyo niyad xumo dareento aad sadaqad bixiso si aad farxad u hesho’

2. Michael Jordan waa xiddigii hore ee kubadda kolayga Maraykanka oo hadda ah hawlgab u baydhay dhinaca ganacsiga oo uu guulo badan ka sameeyey. Michael Jordan oo Xidhiidhka kubadda kolayga Maraykanka ee NBA uu ku tilmaamay in uu yahay ciyaaryahankii abid uu fiicnaa ee soo maray kubadda kolayga ayaa mar wax laga weydiiyey sida uu guul-darrooyinka uga badbaaday markii uu soo gaadhay kaalinta guusha ah ee uu hadda taagan yahay, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan kubadda kolayga la waayey in ka badan 9 kun oo jeer, waxa aan guuldarraystay 300 oo ciyaarood, 26 jeer oo la iga filayey, kalsoonina lagu qabay in aan keeno dhibcaha guusha ee dhinnaa ayaa aan guuldarro soo jiiday. Marar badan ayaa aan guuldarraystay, taas ayaana sabab u ah guusha aan gaadhay”