Garabka Muuse Biixi Oo Aqbalay Ergadii Golaha Guurtida, Shirkoodii Maantana Dib U Dhigay Iyo Garabka Madaxweyne Silanyo Oo Aan Weli Warcad Laga Haynin

0
592

Picture4Hargeysa(Geeska)-Garabka xisbiga KULMIYE ee guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay joojiyeen shirkii golaha dhexe ee ay hore u iclaamiyeen inay maanta qabanayaan islamarkaana ay aqbaleen baaqa ergada golaha guurtida ee ah in shirarka Sabtida maanta iyo Axadda beri ee labada dhinac dib loo dhigo.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxay aqbaleen baaqa guurtida, shirkiina si rasmi ah ayay dib u dhigeen. Shirkan golaha dhexe ayaa qorshaysnaa inuu garabka Muuse Biixi Cabdi, maanta qabto. Warsaxaafadeedka Siciid Cilmi Rooble, wuxuu u dhignaa sidan: “Anagoo ka jawaabayna baaqii gudida dhexdhexaadinta ee golaha guurtida waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu aqbalnay baaqaa  isla markaana aanu hakinay shirkii golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta Sabtida .

Waxaanu ka xunahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe  loo weeraray wasiir ku xigeenkii hore ee amniga  c/laahi abokor.

Waxaa kaloonu ka xunahay hadalkii ka soo yeedhay wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in kulmiye ka danbeeyey , waxaanu marwalba dhiiri galinaynaa amniga iyo xasiloonida dalka waxaanu leenahay cid alla cidii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa .Waxaanu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan  nabadooda ,wada jirkooda iyo xasiloonidooda.”

Garabka Madaxweynaha

Garabka Madaxweynaha, oo iyagana uu shirkoodu ku beeganyahay Axadda beri ee 1 June, ayaan laga haynin war rasmi ah, mase muuqato inay weli aqbaleen inay dib u dhigaan shirkoodaas, inkastoo ay ergada golaha guurtidu dedaal xoog badan ku jirto.

Laakiin shirka garabka Madaxweyne Siilaanyo ee Axada beri ayaa haddii uu qabsoomo wuxuu sii shidi doonaa xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Ergada golaha guurtida ayaa hore u cadeeyay in garabka Muuse Biixi ay aqbaleen ergadoodii islamarkaana ay arrinkooda ku wareejiyeen, waxaanay weli dhinaca kale ugu baaqayaan