Adigu Kee Baad Tahay? Afar Qaybood Oo Ay Shakhsiyadda Aadamuhu U Qaybsanto Iyo Dabeecadooda

0
772

Waa qaybtii labaad ee qaybihii uu Carl Jung u qaybiyey maskaxda, habdhaqanka iyo xaaladaha nafsiga ah ee aadamaha:

  1. Agoon (Dhinaca dhaawac ee nafta aadamaha)

Shakhsiyadda uu Carl Jun agoonka ku sheegay, waa shakhsiyadda sida xad dhaafka ah isu dhul dhigta, aan kabirka iyo is muujinta aqoonin, waxa ugu yar ku qanacda. Waa shakhsiyad qabta dareen la mid ah ka dadka niyaddoodu dhaawacantahay. Waa xaaladda uu qofku galo marka uu dareemo in uu qariib yahay oo aanu lahayn miciin iyo ehelk uu cuskado midna. Xaaladdani waxa ay qofka ku abuurtaa waxoogaa beernugayl ah, xikmad, garaad badni iyo in uu noqdo ruux waaqaca uu joogo la nool. Laakiin dhinaca kalana waxa uu qofka geliyaa cuqdad uu iska ilaalinayo in cid kale ogaato dacfigiisa iyo hoosaynta uu dareemayo, sidaas awgeedna ay ku danaysato.

Shakhsiyadda noocan ah, waxaa u fiican in uu xidhiidh adag oo dhow la yeesho labadiisa waalid iyo qoyskiisa. In kasta oo shakhsiyaddani ay leedahay fariidnimo iyo in ay arrimaha si waafaqsan waaqaca ay joogto ula macaamisho, haddana dhibteedu waxa ay tahay in mar kasta ay jeceshay in ay isu dhigto dhibbane kuna noolaato xaalad ay dadka u tusayso dhibbanenimo. Waa qof mar kasta canaanta cid kale u riixa, guuldarradiisana inta badan ku eedeeya sababo cid kale ka yimi. Qofka noocan ah in la fahmaa waxa ay u baahan tahay in loola macaamilo si gaar ah. Maadaama oo uu mar kasta isu arko in uu qalbigiisu dhaawacan yahay, waxaa habboon in loo muujiyo danayn iyo daryeel ka badan inta dadka caadiga ah loo muujiyo.

Ceebta ugu weyn ee uu qofkani leedahay waa suurtagalnimada in uu dhaawaco naftiisa, ama cidda doonaysay in ay caawiso:

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  1. Halkudheggiisa noloshu waa: Dadka oo dhami waa ay siman yihiin.
  2. Doonistiisa aasaasiga ahi waa: In uu dadka xidhiidh la yeesho.
  3. Yoolkiisu waa: In uu cabsida ka gudbo dibna u soo ceshado amaanka nafsadeed oo uu dareemayo in uu ka maqan yahay.
  4. Cabsidiisa ugu weyni waa: In cid kale ku danaysato ama ku guurto.
  5. Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: In uu nolosha si waaqac ah oo aan khayaali ku jirin u qiimeeyo.
  6. Dareen celintiisa ku aaddan dhibaatooyinka soowaajaha: Waxa uu mar kasta naftiisa u arkaa in ay dhibbane u tahay dhibaatooyin uu isagu geystay, waxa uu isu dhiibaa dareenka uu qabo ee liidashada iyo hoosaynta ah.
  7. Ceebihiisa: Waa qof shaki badan, mar kasta isu arka in uu dhibbane yahay, cabashadiisuna ay joogto tahay.
  8. Faa’iidooyinkiisa: Waa shakhsi waaqaca horyaalla u hoggaansan, dabacsan oo aan dadka ku qallafsanayn, dadka kale ee dhibanna calool dabac u muujiya.
  9. Halgamaa (Waxba kama hor istaagi karaan in uu gaadho yoolkiisa):

Waa qof leh shakhsiyad hal-adayg oo geesinimo badani ku jirto. Waa qof aanay caqabad kasta oo ka hor timaaddaa ka joojin karin in uu yoolkiisa gaadho. Waa qof xitaa arrimaha fudud fikir aad u xooggan geliya. Waxaa ku beeran kalsooni ah in uu ka adkaan karo wax kasta oo caqabad ku noqda, laakiin sidaas oo ay tahay ma’aha ruux macno darro kalsta ka dagaalama ama loollan ka gala. Waxa uu si fiican u yaqaannaa nooca dagaal ee uu gelayo, dadaalka looga baahan yahay iyo marka ah ay tahay in uu dagaal oo dhan ka dheeraado. Sababtuna waa in aanu jeclayn in dadaalkiisu uu ku dhammaado meel aanu midho ka filayn.

Shakhsigan ceebtiisu waa in uu dadka kale ula macaamilo qaab laga dareemayo qab iyo is weynaysiin iyo in uu ka qaato dareen ah in ay beri ku noqon karaan cadow caqabad ku noqda guusha uu raadinayo gaadhisteeda.

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  1. Halkudheggiisa noloshu waa: Haddii ay doonisi jirto, xalka lama waayo.
  2. Doonistiisa aasaasiga ahi waa: Qofka aad tahay waxa aad ku caddayn kartaa hawlo halyeeynimo oo aad la timaaddo.
  3. Yoolkiisu waa: Caqabad oo dhan waa in aan ka guulaystaa.
  4. Cabsidiisa ugu weyni waa: Liidasho ama in duruufaha ku imanayaa ay raad degdeg ah ku yeeshaan.
  5. Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: Muuji awooddaada iyo kartidaada, mar kasta oo ay fursaddu kuu saamaxdo.
  6. Dareen celintiisa ku aaddan dhibaatooyinka soowaajaha: Waxa uu u dagaalama keliya waxa uu aaminsanyahay in uu mudan yahay dagaal.
  7. Ceebihiisa: Waxa uu mar kasta ka baqaa gaabis iyo fashilaad ku yimaadda, taas ayaana ka dhigta qof waxoogaa qab iyo qallafsanaan ah laga dareemo.
  8. Faa’iidooyinkiisa: Geesinimo – hal-adayg – Anshax wanaag.
  9. Ruux naftiisa nafaha kale ka doorbida / ka horumariya:

Waxa uu jecelyahay in daryeelka iyo samafalka uu gaadhsiiyo dadka oo dhan, mararka ugu badanna in samaha uu dadka kale ku horreysiiyo inta aanu naftiisa siinin.  Waa shakhsi u uku badan yahay dareenka naxariist, deeqsinimada, iyo in uu naftiisa illaawo. Waxa uu necebyahay is doorbidista iyo ‘Aniga’, si aad ahna waa uu uga baqaa in dhaqankaas uu yeesho ama loo arko in uu leeyahay.

Ceebtiisa ugu weyni waa in dadka oo dhan uu ulamacaamilo sida in uu waalid u yahay oo uu isaga xil gaar ahi ka saaran yahay.

Shakhsiyaddan waxa aynu tilmaamteeda ku soo ururinaynaa:

  1. Halkudheggiisa noloshu waa: Sida aad naftaada u jeceshahay dadka kalana u jecloow.
  2. Doonistiisa aasaasiga ahi waa: Ilaalinta dadka kale iyo daryeelkooda.
  3. Yoolkiisu waa: U gargaarista dadka.
  4. Cabsidiisa ugu weyni waa: Abaal la’aan ku dhacda, iyo in uu naftiisa wax la doono.
  5. Istaraatijiyaddiisa noloshu waa: Nidar uu naftiisa kula jiro in uu dadka kale caawiyo.
  6. Dareen celintiisa ku aaddan dhibaatooyinka soowaajaha: Ma kala joogsato deeqsinimadiisu, dhib kasta oo heshana ma illaawo dadka kale.
  7. Ceebihiisa: Mar kasta waxa uu dareemaa dembi
  8. Faa’iidooyinkiisa: Naxariis iyo deeqsinimo.