“Waxaanu Leeyahay Farmaajo, Ha ku Firikin Inay Muqdisho Mar Kale Xukunto Hargeysa..”

0
741

 

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilada JSL, ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee Waddamada Geeska Afrika, waxaanu si gaar ah farriin ugu diray urur Goboleedka IGAD iyo Waddamada Afrika, waxaanu ugu baaqay in aanay iska indho tirin Somaliland iyo dawladnimadeeda.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Somaliland maaha maamul iyo gobol ka tirsan Soomaaliya, haddii aynu hore u midaownay Soomaaliya, hadda waxaynu kala nahay laba dal oo jaar ah, Somaliland iyo Soomaaliyana maaha laba dal oo la isku khaldi karo, ee aad baanu u kala fognahay, markaa Farmaajo waxaanu leeyahay dhalanteed baad ku jirtaa ee ha ku firikin inay Muqdisho mar dambe xukunto Hargeysa.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay oo kale “Danta labada dal waxay ku jirtaa in jaarnimada la ilaaliyo, oo aynu noqono laba dal oo jaar ah oo wax badan iska kaashada, laakiin inta aad na xaasidaysaan, dheef iyo faa’iido midna naga heli maysaan”. Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlaya xidhiidhka Caalamka iyo Somaliland “Inaynu xidhiidh diblamaasiyadeed la samayno Caalamka sharci iyo xeer inoo diidayaa ma jiraan, xidhiidhada aynu wadno ee aynu la samaynayno Caalamka iyo Waddamada jaarka waan soo dhaweeynayaa, IGAD iyo Waddamada Afrika habrashada ha iska dayaan, oo Somaliland iyo Soomaaliya runta ha u kala sheegaan, oo si toos ah ha ugu sheegaan inay Somaliland yahay dal jira oo ka mid ah Afrika”

 

Geeska.net/Hargeisa Office