Mashruuca Hay’adda ARC (Kuwait) Waxa Uu Tusaale U Yahay Muhiimadda Ay Leedahay Is Wadista Mashaariicdu

0
683

Damiirka aadamenimo iyo dareenka laga dhaxlay xadaaradaha guunka ahi waxa ay dadka fareen in ladnaanta oo la qaybsadaa ay tahay masuuliyad akhlaaqeed. Sababtaas ayaa ay u jiraan hay’ado caalamiya iyo kuwo maxalli ah oo isu xilqaama wax ka qabashada baahiyaha bulsho ee inta badan ka dhasha aafooyinka dabiiciga ah iyo masiibooyinka aadame sameega ah.

Laakiin waxaa mar kasta soo noqnoqda dhaliilo loo jeedinayo mashaariicda gargaarka bani’aadamnimo, oo ah in waxtarkoodu uu jiro inta ay socoto lacagta uu deeqbixiyuhu ugu talagalay, kaddibna xaaladda nololeed ee ka faa’iidaystayaasha mashruucaasi ay mustaqbalka halkeedii dib ugu noqoto. Waana sababta marar badan ay u soo baxaan doodaha la xidhiidha in laga fikiro in mashaariicda gargaarka iyo horumarintu ay noqdaan kuwo soo saaraya dakhli ku filan in ay isa sii wadaan si ka faa’iidaysigoodu aanu meesha uga bixin marka uu joogsado qaadhaanka uu deeqbixiyuhu ku caawiyaa.

Somaliland waxa ay ka mid tahay dalalka dunida soo koraya ee 30 kii sano ee u dambeeyey ay ka jirtay baahida gargaarka bani’aadamnimo, inkasta oo ay xaaladdu heerar kala duwan joogtay. Waxaana ka hawlgalay tobannaan hay’adood oo isugu jira kuwa qaramada midoobey, hay’ado madaxbannaan iyo hay’ado ama wakaalado gargaar oo dawladaha kala duwan ee adduunka toos uga socda.

Waxa se hubaal ah in gargaarkaasi aanu wax badan ka beddelin nolosha dadka ka faa’iidaystay, marka laga tago muddada uu socdo oo ay ku noolaadaan. Mashaariic ay boqolaal kun oo doolar galaan ayaa muddo gaaban iskood u joogsada, kaddib marka ay dhammaato miisaaniyaddii gargaarka ahayd ee uu deeqbixiyuhu ugu talagalay in uu mashuurucu ku shaqeeyo.

Hay’ada gargaarka Afrika ee ARC (African Relief Committee) oo ay xarunteedu tahay dalka Kuweyt, waxa ay Somaliland ka wadaa mashaariic badan oo bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin caafimaadka, dhaqaale u abuurka saboolka, kafaalashada agoonta, biyaha iyo waxbarashada oo isugu jirta mid akademiya iyo farsamada gacanta.

Siyaasadaha ay hay’adda ARC la gaartahay waxaa ka mid ah in mashaariicdeeda ay ka dhigtay kuwo maalgelintii deeqbixiyaha kaddib iyagu iswadi kara mustaqbalka fog, arrintaas oo xoojinaysa rajada ah in mashaariicdani ay noqdaan kuwo waara.

Xarunta dhexe ee ARC ay ku leedahay Somaliland oo laga maamulo mashaariicda ay hay’addu ka waddo Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, Burco, Borama iyo Berbera, iyo mashaariicda ka socda Soomaaliya oo ah Muqdisho, Garoowe iyo Kismaayo iyo sida oo kale magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida.

ARC waxa ay Somaliland ka hirgelisay 8 xarumo iyo dugsiyo waxabarasho oo heerarka kala duwan ah, xarunta farsamada gacanta oo lagu barto nijaaradda, tumaalka iyo alxanka, qasabadaha iyo korontada, iyo rugo caafimaad iyo cisbitaallo takhasusyo aan hore dalka uga jirin lagu daweeyo. Sida oo kale waxa uu mashruucooda ugu weyni ku waajahan yahay xarumo lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ay hay’addu kafaalo qaadday waxbarashadooda, caafimaadkooda iyo guud ahaan baahiyaha noloshooda, kuwaas oo hoy ku leh xarunta hay’adda.

Arday ka badan 3700 oo boqolkiiba 85 aan lacag laga qaadin, agoonnimo iyo / ama saboolnimo awgeed ayaa xarumahan waxbarashada ku jira. Waxa kale oo ay ARC bil kasta baadiyaha ugu baxdaa ololeyaal caafimaad oo dhakhtar eegista, shaybaadhka iyo dawada oo qalniinnadu ku jiraan ay bilaa lacag yihiin, waxa ay sannadkan deegaanno oomane ah oo Somaliland ah ka qoday ceelal ka badan 52 iyada oo laba gooboodna keentay warshadaha biyaha dhannaan macaaneeya. Waxa kale oo ay hay’addu waddaa mashruuca xoogsi xalaal ah oo ay gaadhi gacanno iyo goodhiyo ama kabadho dukaamo noqonaya, mishiinnada dawaarka, tuulka farsamayaqaannada nijaaradda, tumaalka, qasabadda iyo korontada ugu qaybiso dad laga soo ururiyey qoysaska saboolka ah oo la baro xirfado ay dakhli kula soo bixi karaan.

Si mashaariicdan baaxadda lihi ay isu wadi karaan maadaama oo kharashkoodu ka badna yahay miisaaniyadda deeq bixiyaha, isla markaasna ay u sii kobcaan, waxa ay ARC hirgelisay ilo dakhli abuur oo mashaariicda laga sameeyo. Waxaa ka mid tahay in la sameeyo beero iyo moofooyin ay ka soo baxdo cuntada agoonta hoyga lagu hayo, dheeraadkana suuqa loo iibgeeyo si ay dhaqaale ahaan isu wadi karaan. Waxa kale oo dakhli mashaariicdan qayb ahaan kaba ay ka samaysaa iibka waxsoosaarka nijaarad kala duwan biro ay albaabo ka mid yihiin, roordhida iyo iibka khudradda ka soo go’da beeraha xarunta ee dheeraadka ka ah baahida carruurta ku jirta qaybta hoyga ah ee xarunta.

Waxaa intaas dheer shaqaale muwaadiniin ah oo ka badan 530 ay boqolkiiba 30 haween yihiin oo ka hawlgala xaruntan.

Marka la soo ururiyo mashruuca hay’adda ARC ka waddo Somaliland waxa uu muujinaya baaxadda mashaariicda gargaar ee ay dawladda iyo dadka samafaleyaasha ah ee Kuwait ka wadaan Somaliland. Waxa aanay marag u tahay baahida loo qabo in hay’adaha samafalku ay mashaariicdooda baahida joogtada ah loo qabo ay u abuuraan qaab mustaqbalka fog ay isa sii wadi karaan iyaga oo ka maarmay ama aan si buuxda ugu wada tiirsanayn gacan dibadeed.