Ficillo Sahashi Iyo Maadays U Dhaca Oo Ingiriiska Ay Uga Yaallaan Xeerar Ciqaabeed Aanay Dad Badani Ogeyn (2)

0
720

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Labaad ee qormadii uu Geeska Afrika soo turjumay ee ka warramaysay ficillo dadka qaar si sahashi ah ugu kacaan ama maadays iyo ilaaqi u geyso oo dalka Ingiriisku uu ka leeyahay xeerar ciqaabeed adag, balse dad badan oo dalkaas u dhashay ay ku kacaan ficilladaas war’ laan ka haysa ciqaabta ka taalla awgeed, sababtuna waa xeerarkan oo qarniyo ka hor shaqayn jiray balse duugoobay oo la iska illaaway.

2. Ku dhex khamaaridda Rugta kutubka: Xeer lagu magacaabo xurmo-dilidda rugta Kutubta oo dalka Ingiriiska laga soo saaray sannadkii 1898lkii ayaanay dad badan oo Ingiriis ahi ogeyn jiritaankiisa, laakiin haddana meesha kama uu bixin oo sharci burinaya ama laalaya lama soo saarin sidaa awgeed illaa hadda qofka lagu qabto isaga oo Rugta kutuba ee deegaankiisa ka dhigtay meel lagu khamaaro ama turubka lagu ciyaaro booliisku waxa uu xaq u leeyahay in uu maxkamadda ku geeyo si xeerkan loogu ciqaabo.

3. Nibir rabbaayad kama dhigan kartid: Sharci ahaan dhammaan xayawaanka Nibiriga ee dalka Ingiriisku waxa uu ka mid yahay hantida qaranka. Boqoradda ayaanu sharcigu siiyey haddii uu nool yahay iyo haddii uu dhintaba.

4. Haddii aad khamri cabsan tahay lo’ada ma raaci kartid: Dalka Ingiriis waxaa ka jira xeer lagu magacaabo xeerka Rukhsad bixinta oo soo baxay sannadkii 1872kii, xeerkan oo dad badan oo dalkaas u dhashay aanay kaba warhaynin waxa uu mamnuuc ka dhigayaa in lo’ jirku xilliga uu shaqadiisa ku dhex jiro aanu khamri ama maandooriye kale isticmaali karin.

Dad badani marka ay xeerkan maqlaan lama yaabaan in maandooriyaha loo diidayo ruux kasta, marka uu masuuliyad hayana ay khatarteedu sii badan tahay, waxase qof kastaa is weydiiyaa sababta lo’da gaar loogu magacaabay.

5. Iska jir in aad albaab guri garaacdo kadibna oroddo: In kasta oo aanu ahayn ficil laga filayo qof culus ama masuul ah, haddana marar badan dhacdaa in dadka qaar ay fara-ka-ciyaaraan ama ficillo ilaaq ay uga jeedaan ay ku kacaan. Haddaba haddii aad Ingiriiska joogto oo aad jeclaan lahayd in inta aad albaab guri garaacdo kadibna si ciyaar ah aad qofkii kaa furay uga dhuumato ama cararto, xisaabta ku darso in uu dalka Ingiriiska ka jiro sharci la dhaqan galiyey sannadkii 1839kii oo ciqaabaya qofka lagu qabto in uu ku kaco wax uu sharcigu ku tilmaamay ‘Ciyaar ka cadhaysiin ah’  waxa aanu si gaar ah hoosta uga xariiqayaa oo uu ciqaabayaa qofka inta uu albaab garaaco, haddana ka dhuunta ama ka orda si qofka furay aanu u arkin.

6. Rooggaaga ama cawdaada haddii aad maydho ha ku dhex hurgufin shaaraca: Isla sharciga kor ku xusan ayaa dadka Ingiriiska ka mamnuucaya in shaaraca dhexdiisa lagu hurgufo Roogga, Gogosha ama Cawda iyo in shaaracyada London laga dhex sameeyo meelo dharka lagu dhaqo.

7. Haddii cudur dhaqso u faafi kara aad qabto waa kaa mamnuuc in aad tagsi raacdo: Daacuunka, Furuqa iyo Tayfoodhka ayaa ka mid ah cudurro si dhaqso ah u faafa oo uu sharci ka yaalla Caafimaadka guud oo la dejiyey sannadkii 1984kii, sharcigani waxa uu dhigayaa in qofka xanuunnadan qabaa haddii aanu socon karin, gaadhi gaar ahna heli karin waa in uu u yeedho, gaadhiga Gurmad Caafimaadka ee dhoolliga loo yaqaanno. Dhammaad.