Badhasaabka Togdheer Oo Ka Waramay Mashaariic Kala Duwan Oo Gobalka Ka Hirgeliyay

0
471

 

Burco(Geeska)–Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar ayaa dayactir iyo qalabayn ku sameeyay Xafiiska maamulka  gobolka Togdheer iyo xarumo kale oo ay Dawladdu leedahay kuwaasi oo ay waxba ka qaban-waayeen masuuliyiintii ka horeysay ee gobolkaasi soo maray sanadadii u danbeeyay

 Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo qaar ka mid ah warbaahinta faahfaahin ka siiyay isagoo ku sugan xafiiskiisa xarumahan uu dib u habaynta ku sameeyay oo ay ugu horeyso xafiiska guud ee maamulka gobolka ,guriga madaxtooyadda iyo guriga badhaasbaka oo wakhti dheer basaasi hadhaysay  ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa . "Runtii markii aan anigu gobolka imi dayac badan ayaa ka muuqdaday gaar'ahaan xafiisyadda dawladda haday tahay xaga dhismaha iyo haday tahay xaga qalabkaba waxaanan la wareegay xafiiska iyadoo hal Kumbuyuutar oo qudhi yaalo wax kale marka layska daayo  ,sidaa awgeed dayac tir balaadhan ayaanu ku samaynay xarunta maamulka xaga qalabka iyo xaga bilicdaba  umaduna way aragtaa waxaanu galinay lacago badan  .
Xarumaha kale ee Dawladda ee aan dhismaha ku sameeyay  waxa ka mid ah gurigan Guddoomiyaha gobolka ee aan imika degenahay oo aan qalabayn iyo dhisme-ba ku sameeyay ,waxa kale oo soo raaca xarunta madaxtooyadda gobolka oo isna dhismihiisii aan imika wada oo waxyari'uun ka hadhay  " Sidaasi ayuu yidhi Cabdoo Aayar
Sidoo kale waxa uu badhasaabku ka warbixiyay mashaariico kale oo adeegyadda bulshada ah oo magaalada Burco ka socda kuwaasi oo uu gacan ka gaystay hirgalintooda . " Mashaariicaha kale ee halbawlayaasha ah ee halkan ka socda waxa ka mid ah Dugsiga farsamada gacanta oo mudo labaatan Sano ka badan dunsanaa oo imika dhismihiisi socdo ,wadada isku xidhidoonta magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo iyana meel fiican maraysa ,madaarka caalamiga ah ee diyaaradaha ,xarunta agoomaha iyo mashaariico kale waxaana mashaariicaha hawshooda dhaqaale iska kaashanaaya Xukuumadda iyo bulshada reer Somaliland gaar'ahaan qurbajooga gobolka u dhashay oo qabtay waxaan la qiyaasi-karin..
Gudoomiyaha gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar ayaa amaan balaadhan ujeediyay qurbajooga gobolka Togdheer kuwaasi oo uu xusay in ay kaalin mugleh ka ciyaareen adeegyadda bulshada gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa ,waxaanu usoo jeediyay in ay kaalintooda halkii ka sii wadaan isla markaana laban-laabaan.

Masuuliyiintii xilka laga qaaday ee u kala danbaysay maamulka gobolka Togdheer ayaa ku fashilmay dayactirka xafiisyada ay fadhiistaan iyo xaruma ay degenyihiin oo mudo dheer basaasi ka muuqatay.