Abwaan Gaariye: Halyey Aan La Hilmaami Doonin Oo Ka Baxay Bulshada Somaliland

0
858

 

gaaariyeHargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa habeen hore magaalada Oslo ee dalka Norway ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ahaa xeel-dheere suuganyahan iyo aqoonyahan ah.

 

Marxuum Gaariye, wuxuu u geeriyooday xanuun muddo sannad iyo badh ku siman uu u jiifay kaas oo loogu qaaday dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Norwa oo uu ku geeriyooday. Alle haw naxariiste geerida Marxuum Gaariye, waxa si weyn looga dareemay meel kasta oo ay bulshada reer Somaliland ku nooshahay iyo weliba  dhulka ay Somalidu degto. Abwaan Hadraawi, oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen ayaa Geeska Afrikau sheegay in inta la noolyahay la  adeegsan doono suugaanta Abwaan Gaariye, “Geeridu waa xaq ee Alle haw naxariisto, kaalin weyn ayuu nolosha ku lahaa, isagii waa geeriyooday laakiin suugaantiisii way nooshahay oo inta laga dambeeyo waa la adeegsanayaa oo waa dhaxal uu inooga tagay.” Ayuu yidhi Hadraawi, waxaanu intaas raaciyay inuu Marxuum Gaariye ahaa nin aftahan ah, “Waxa laga dhaxlayaa suugaan aftahamo ah oo tiro badan. Aftahamadu way balaadhantahay oo hadal iyo hawraar labadaba way lahayd.”

Abwaan Hadraawi, wuxuu sheegay in Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ahaa aqoonyahan dulmiga neceb oo xaqa taageera, islamarkaana aan marna qarsan dareenkiisa.

Abwaan Gaariye oo Hargeysa ku dhashay sannadkii 1950, wuxuu ifka kaga tagay afar hablood oo kala ah Hodan iyo Hoodo oo ay u dhashay Hooyo Sahra Maxamed Xuseen oo ahayd xaaskiisa weyn iyo Hido iyo Hibo oo ay u dhashay Muuna Qarax oo ahayd xaaskiisa yar.

Alle haw naxariiste Abwaan Gaariye, mudadii uu noolaa wuxuu curiyay suugaan tiro badan oo macno iyo midho dhashay sida Siinley iyo Deelleey.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa umadda reer Somaliland iyo qoyskiisaba ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Gaariye, “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) oo Xalay [habeen hore] ku geeriyooday Cusbitalku-yaal Magaalada Oslo ee Wadanka Norway oo marxuumku beryahaaba u jiifay Xaalad Caafimaad.

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii hormuudka u ahaa xoraynta dalka iyo baraarujinta ummaddeena, waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanadii Qoraalka Afka-somaliga salka u dhigay,

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ahaa aqoon yahan hal-abuur ah karti leh aragti horumarsana leh, waxa kale oo uu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, dawladnimada, dimu-quraadiyada Somaliland.

MARXMUUKU, waxa uu ahaa halyey qaran oo taariikh ku leh Ummadda Somaliland, qayb libaaxna ka soo qaatay halgankii loo soo galay dib ula soo noqoshadii Somaliland ee ay ku timid in uu dalkani noqdo qaran madaxbanaan.Madaxwaynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda weynta Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal uu soo saaray afhayeenka Madaxweyne Axmed Saleban Dhuxul.

Si kastaba ha ahaate Abwaan Gaariye, waa halyey ay bulshada reer Somaliland tebi doonto, waxaana lagu xasuusan doonaa kaftankiisii, dhiiranaantiisii iyo weliba difaaciisii qaranimada Somaliland ee aanu la gaban jirin.