“Beesha Caalamku Maaha Inay Indhaha Ka Laliso Xaqiiqada Dalka Hagaasay (Somaliya)”

1
3857

 

amirakcanWashington (Geeska/ISN)-“Riyaaqa beesha caalamka ee doorashada madaxweynaha cusub ee soomaaliya waa inaanay indhaha ka lalin xaqiiqada dalkaa hagaasay dhab ahaan waajahayo” sidaa waxa lagu bilaabay maqaal dheer oo J Peter Pham, oo ah agaasimaha machadka Michael S. Ansari arrimaha Afrika ee golaha Atlantic.

 

Khabiirkan Maraykanka ah ayaa ka hadlay sida afduubka iyo khiyaamadii isbedelada siyaasadeed ee dhacay u mija-xaabinayaan xasiloonida Soomaaliya, waxaanu ku bilaabay, “Dhowaan waxa loo doortay markii 16aad ilaa 1991, maxadweyne ka soo jeeda bulshada rayidka  inuu hogaamiyo dalkaa hagaasay. Xasan Sh. Maxamuud, oo 56 jir ah ayey nin wanaagsan u yaqaanaan dadka gudaha iyo ururada gargaarka aan dawliga ahayn ee uu la soo shaqeeyey labaatankii sannadood u danbeeyey, ka dib, muddadii musuqmaasuqa iyo waxqabad la’aaneed ee Sheekh Shariif, si kasta, waxay noqon kartaa khalad hadii xiiso dad badan qabeen ay ka qariso mushkiladaha soo dhacay ama taagan, iyo xaqiiqada madaxweyne Xasan waajahayo.

Mr, Pham ayaa afar qodob oo hoosta uu ka xariiqay waxay kala ahaayeen, ta koowaad, natiijada doorashada madaxweynaha cusub ayaan u muuqan mid xalaal ah, maadama ay ku timi dal-doorsiga kii hore, sida warbixintii kooxda kor-jooga Soomaalida cadeeyeen in masuuliyiinta xukuumadii ku-meel-gaadhu lunsadeen ilaa 2009 saddex meelood meel dhaqaalahii dibedda uga yimi, iyo macluumaad cadeynayey inuu $7 million oo doolar ka helay wadan carbeed si uu codadka dib-u-dorashadiisa ugu iibsado, taasoo keentay inuu wareegii labaad naf-la-caari u siiyo midkiiba $10,000, 270 xildhibaan.

Ta labaad, xildhibaanada doortay madaxweynaha cusub ayaan laftoodu ahayn kuwo xalaal ah, sida dhowaan waregyska Economics cadeeyey in kursigiiba lagu iibaday dhaqaale gaadhaya  $25,000, taasina ka dhigayso xukuumadan mid xaaraan ku abuurantay bilowgii. Dhab ahaan, hogaamiye-kooxeedyada iyo siyaasiyiintii hore ayaa afduubay isbedelkii iyagoo keenay odeyaal samays ah oo naftooda mooyee (qabaa’ilka) cidna aan metelayn.

Ta sadexaad, si kastoo madaxweynaha cusub ku helay kursiga, xaqiiqada aan laga tegayn waa inuu xilkaasi yahay magac-u-yaal aan awood lahayn. Xukuumada Soomaaliya, waa magac keliya, soomaalina, keliya maaha dal kala tegay, marka la eego Somaliland oo sannado hore ka go’day iyo Puntland oo si madax banana u shaqeysata saamayn yarna xukuumada dhexe ku leedahay. Madaxweynaha cusub waxuu waajahi doonaa daneystayaal awood leh, oo labadaba (Kuwii awoodaha ku yeeshay jiqitaanka deeqahii dibedaha ee wasaarado iyo hay’ado badan) iyo kuwa cusub (oo hanti gaadhaysa tobonaan kun ku bixiyey noqoshada xildhibaano isla markaana doonaya inay dib u helaan hantidii ka baxday). Sidoo kalena maadama uu ka soo jeedo bulshada rayidka, laguna doortay codad cabasho ah, Xasan ayaa u muuqda nin aan waood badan yeelanayn, marka loo eego saameeyaasha awooda Soomaaliya, hogaamiyeyaasha maleeshiyaadka iyo ganacsatada oo maamula halbowlaha awoodahaa.

Ta afaraad, inkastoo, Shabaab si weyn loo wiiqay awoodoodii siyaasadeed iyo dhaqaale, jabkooda ayaa haliso aan lagu talogelin ku noqon doona sannadka koowaad ee xukuumadan cusub, isla markaana ciidamadii tababarnaa oo badi ka tegay ciidanka ayuu hadhaaga ninkani dhaxli doonaa, isla markaan aanu hubin saraakiisha mucaawinooyinka milaterigu helo ka iibiya maleeeshiyaadka, taasoo, awoodiisa inuu wax badan ka qabto dhanka amniga si weyn u dhaawaci doonta.

Ugu danbayn, beesha caalamku ha u rajeyso guul madaxweynaha cusub, laakiin, baarlamaanku waa inaanay u riyaaqin saadaalo aan suurtoobayn oo ku saabsan waxuu qaban doono, marka loo eego siduu ku yimi.

Comments are closed.