Diirka Liin Macaanta Iyo Baydariintu Waxa Uu Dilaa Unugyada Kansar Ee Jidhka Ku Beerma : Diyaariye:- Kamaal Axmed Cali

0
525

 

Picture7Daraasad caafimaad oo cusub ayaa lagu ogaaday in maaddo ku jirta diirka sare ee liin baydariinta iyo liin macaantu ay sun dilaa ah ku t ahay unugyada kansar ee jidhka ku beerma. Cilmi-baadhayaashu waxa ay sheegayaan in caadada bulshooyinka dunidu ka siman yihiin ee ah in la iska tuuro diirka sare liintu ay tahay mid qofku uu ku waayayo maaddooyin ka hortag iyo daawo labadaba u noqon lahaa xanuunkan dunida faraha baas ku haya ee kansarka, waxa aanay si gaar ah hoosta uga xarriiqeen liin baydariinta oo ay sheegayaan in maaddooyinka ku jiraa ay ka tayo badan yihiin kuwa liin macaanta, marka laga hadlayo difaaca iyo burburinta unugyada kansarka.

 

Khubarada daraasaddan samaysay waxa ay baadhitaanno caafimaad oo xeel dheer ku sameeyeen diirka liin baydariinta iy liin macaanta waxaana uga soo baxday in maaddooyin isku-dhis kiimikaad ah oo geedka liintu u isticmaalo difaac uu iskaga ilaaliyo cadowgiisa xasharaadka iyo cayayaanka kale ah.