London(Geeska)-Abwaan Siciid Sheekh Abuubakar (Ilkajiir), oo ah abwaan u dhashay Somaliland oo degen dalka Ingiriiska ayaa hees dhaliil xambaarsan u sameeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.
Abwaanka oo sannadihii u dambeeyay ku soo caan baxay maansooyin iyo heeso tiro badan oo uu sameeyay, ayaa heestan cusub ee uu ku dhaliilayo hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo ugu magac daray Dhanuun Daalin Noo Dhaaf, waxaanu sheegay inay maalmahan soo bixi doonto iyadoo cod iyo miyuusig lagu ladhay. Abwaanku wuxuu hore u sameeyay heesta caanka ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku galay ololihii doorashada ee uu magaceedu yahay Halyeeyadii u kacay oo uu xisbiga KULMIYE doorashadii u dambaysay ee ololaha doorashada u adeegsanayay. Si kastaba ha ahaate Abwaanku wuxuu heestiisan cusub ku yidhi sidan:
Doorashiyo Xusuus shalay
Dibad u celinta maalmaha
Shacabkii dedaalee
Kuu dalaalimiyee
Codka kuugu deeqaad
………
Diintiyo Kitaabkiyo
Dimuqraadinimadiyo
Dhaartii ka durugtoo
Dastuuriyo Xaqsoorkii
Waad daba martaysoo
Daayacday xilkii qaran
Somaliland dalkaygii
Hamigeedii dumisaye
Odayahoow degdegayaa
Maxaa dunida kuu hadhay
Dhanuun Daalin Noo Dhaaf
Dadka Dibad Baxaayaa
Waa kuwii ku doortoo
Dilka kaama mudananine
………
Cabashada dadkaa maqal
Waar maxaa daarta kugu xidhay
Dalka kii wax tari laaa
Dadkiisana anfici laa
In la doorto diidaye
Xaqdarada dalkii taal
Dumadaada weeyaan
Waanad dambarsan doontaa
Somaliland dalkaygii
Hamigoodii dumisaye
Odayahoow degdegayaa
Maxaa dunida kuu hadhay
Dhanuun…dhanuun
Waar dhanuun daalin noo dhaaf
Dhaqanka ah in abwaanadu ay suugaan ku dhaliilaan siyaasadda hoggaamiyayaasha Somaliland ayaa ah mid cusub, waxaanu la bilaabmay bilihii u dambeeyay ee cahdigii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo loo sameeyay hees dhaliil ah, laakiin heestan Abwaan Ilkajiir waa heestii labaad ee loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo isagoo talada hayay muddo aan saddex sannadood gaadhin.
Comments are closed.