Golaha Deegaanka Borama Oo Iska Dhex Doortay Maayar Iyo Ku Xigeen Dhallinyaro Ah

0
908

maayirHargaysa( Geeska )-Xildhibaanadda cusub ee Golaha Deegaanka Boorame ayaa fadhi ay yeesheeen waxay cod aqlabiyad ah ku doorteen maayarka dagmadaas iyo ku xigeenkiisa oo ah laba xubnood oo dhalinyaro ah.

Fadhigan ayaa ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka socday wasaaradda daakhiliga,wasiirada wasaaradaha shaqada iyo ganacsiga,badhaasbka gobalkaas iyo Maayarkii hore magaaldaas Cabdiraxmaan Shide Bille.

Waxaana Fadhiga ka soo xaadiray guud ahaan 21-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka ee dagmada Boorama, waxaanay  xildhibaanadu cod u qaadeen mayarka iyo ku xigeenkiisa, waxaana jagada Maayarka ku tartamay laba musharax oo kala ahaa Saleebaan Xasan Xaddi iyo Cabdi Cismaan Dhegoweyne.
Shan iyo toban mudane oo ka mid ah golaha deegaanka ayaa doortay Saleebaan Xasan Xaddi, halka shan mudane-na ay codkooda siiyeen cabdi Cismaan dhegoweyne, gudoomiyahii fadhigaasina ma codayn, sidaana waxa jagada Maayar-ka Boorame ku soo baxay Xildhibaan Saleebaan Xasan Xaddi.

Jagada Ku xigeenka Maayarka oo uu isu soo sharaxay hal xildhibaan oo keliya oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Faarax (Dheereeye), ayaa waxaa ogolaaday sagaal iyo toban mudane, waxaa ka aamusy hal xildhibaan, gudoomiyahuna ma codayn. sidaasna waxaa jagadii ku xigeenka mayor-ka Boorame ugu guulaystay Maxamed Maxamuud Faarax (Dheereeye).

Kulankaasi oo musharixii lagaga adkaaday kursiga maayaranimada  Boorame uu si weyn ugu hambalyeeyey mayor-ka Cusub, waxaana xildhibaanda cusub dagmada Boorme  markii ugu horaysay ay doorteen maayar iyo ku xigeen dhalinyaro ah.