Abwaan Caan Ah Oo Hees Ku Dhaliilay Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo

1
877

Picture4London(Geeska)-Abwaan Siciid Sheekh Abuubakar (Ilkajiir), oo ah abwaan u dhashay Somaliland oo degen dalka Ingiriiska ayaa hees dhaliil xambaarsan u sameeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Abwaanka oo sannadihii u dambeeyay ku soo caan baxay maansooyin iyo heeso tiro badan oo uu sameeyay, ayaa heestan cusub ee uu ku dhaliilayo hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo ugu magac daray Dhanuun Daalin Noo Dhaaf, waxaanu sheegay inay maalmahan soo bixi doonto iyadoo cod iyo miyuusig lagu ladhay. Abwaanku wuxuu hore u sameeyay heesta caanka ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku galay ololihii doorashada ee uu magaceedu yahay Halyeeyadii u kacay  oo uu xisbiga KULMIYE doorashadii u dambaysay ee ololaha doorashada u adeegsanayay. Si kastaba ha ahaate Abwaanku wuxuu heestiisan cusub ku yidhi sidan:

Doorashiyo Xusuus shalay

Dibad u celinta maalmaha

Shacabkii dedaalee

Kuu dalaalimiyee

Codka kuugu deeqaad

………

Diintiyo Kitaabkiyo

Dimuqraadinimadiyo

Dhaartii ka durugtoo

Dastuuriyo Xaqsoorkii

Waad daba martaysoo

Daayacday xilkii qaran

Somaliland dalkaygii

Hamigeedii dumisaye

Odayahoow degdegayaa

Maxaa dunida kuu hadhay

Dhanuun Daalin Noo Dhaaf

Dadka Dibad Baxaayaa

Waa kuwii ku doortoo

Dilka kaama mudananine

………

Cabashada dadkaa maqal

Waar maxaa daarta kugu xidhay

Dalka kii wax tari laaa

Dadkiisana anfici laa

In la doorto diidaye

Xaqdarada dalkii taal

Dumadaada weeyaan

Waanad dambarsan doontaa

Somaliland dalkaygii

Hamigoodii dumisaye

Odayahoow degdegayaa

Maxaa dunida kuu hadhay

Dhanuun…dhanuun

Waar dhanuun daalin noo dhaaf

Dhaqanka ah in abwaanadu ay suugaan ku dhaliilaan siyaasadda hoggaamiyayaasha Somaliland ayaa ah mid cusub, waxaanu la bilaabmay bilihii u dambeeyay ee cahdigii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo loo sameeyay hees dhaliil ah, laakiin heestan Abwaan Ilkajiir waa heestii labaad ee loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo isagoo talada hayay muddo aan saddex sannadood gaadhin.

Comments are closed.