Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay Inay Qorshaynayaan Odaraska Miisaniyada Sanadkan Inay Ka Badato Sanadkii Hore

1
645

samaaleHargaysa( Geeska )- Wasiirka maaliyada Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inay odaraska miisaniyada sanadkan 2013-ka uu ka badan doono miisaniyada sanadkii tagay, isla markaasna ay sanadkan si rasmi ah ugu guulaysteen inay soo xareeyaan odaraska miisaaniyadii sanadkii hore.

Wasiir Samaale kale oo uu sheegay in ay sanadkan xooga saaridoonaan mashaariic hurumarineed iyo darajada ciidamada, waxaanu u mahadnaqay guud shaqaalaha wasaarada maaliyada iyo shacabiga Somaliland ee cashuur bixiyayaasha ah.

Waxa uu sidan wasiirku ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan tilifishanka qaranka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sida “Miisaniyadii 2012-ka sidii loogu talo galay ayuu alle noogu fududeeyay waanay soo wada xaruutay, dhamaan shaqaalaha wasaarada maaliyada iyo umadda reer Somalilandba si wanaagsan ayaan ugu mahadnaqaynaa, waxaanan gudo galnay odoraska miisaaniyada 2013-ka  oo meel gabogabo ah maraysa, madaxweynuhuna waxa uu gudi u saaray siyaasada miisaniyada 2013-ka , sidii sanadkii hore 2012-kiiba uu gudida ugu saaray, runtii gudidaas waxa ay soo dajiyeen go’aamo dhaxalgal ah oo miisaaniyada 2013-ka ah, iyada oo faahfaahsana gudida ayaad insha allaah ka maqli doontaan.” “ Odaraska miisaniyada 2013-ka iyada oo aanu faahfaahinteeda dib idinka siiindoono waxaanu ku talogashanahay in miisaniyadii sanadkiihore ay kabadato, inta aanu kordhinaynaa inay noqon doontana dib ayaanu insha allaah idinka siin doonaa.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday wasiir Samaale sidan “Waxa ku jiri doonta miisaniyada sanadkan mashaariic hurmarineed, waxa kaw ka noqon doonta darajada ciidanka qaranka, oo darajadooda  lacag aanu ugu talo galnay ay miisaniyada markii ugu horaysay galidoonto iyo mashaariic kale oo aanu  ugu talogalnay inay horumarka dalka qaybka qaataan oo wadooyinku ay kamid yahiin iyo dabdamisyaal  lagaga hortago khatarta gubashada magaalada, runtiina mashaariic door ah oo qiimo leh ayaa ku jiri doonta miisaniyada sanadkan.”

Comments are closed.