Abaal Marin Lacag Ah Oo La Guddoonsiiyey Muwaadinkii Ku Guulaystay U Magac Bixinta Dugsiga Kaafi Academy

0
836

Picture5Hargeysa (Geeska)- Muwaadin Axmed Maxamed Ileeye oo sida ay hore masuuliyiinta dugsiga cusub ee KAAFI Academy ugu baahiyeen Wargeyskan ku guulaystay tartankii muddada socday ee u magac bixintii dugsigan ayaa maalintii shalay xarunta wargeyska GeeskaAfrikaee magaalada Hargeysa lagu guddoonsiiyey qaybtii kowaad ee abaal marinihii loo ballan qaaday qofka ku guulaysta.

Md. Ibraahim Macallin Aadam oo ka mid ah masuuliyiinta dugsiga kana wakiil ahaa ayaa Axmed Maxamed Ileeye guddoonsiiyey abaal marin lacag caddaana ah oo uu qaddarkeedu dhan yahay $300 (Saddex boqol doolar), waxa aanu sheegay in sidii horaba wargeyska loogu baahiyey ay jiri doonaan abaal marinno kale oo ah, hadyad xidhan oo lagu guddoonsiin doono munaasabadda furitaanka dugsiga iyo weliba in buugga xusuus-qorka iyo taariikhda dugsiga lagu qori doono in uu yahay qofka bixiyey magaca dugsiga.

Md. Axmed Maxamed Ileeye oo magacan uu bixiyey laga soo dhex doortay in ka badan saddex boqol oo magac oo ay soo bandhigeen dad aad u tiro badan oo tartankan ka qayb galay ayaa isaguna dhinaciisa uga mahad celiyey masuuliyiinta dugsiga, isaga oo hoosta ka xariiqay in ujeedadiisu aanay ahayn inuu lacag ku helo, balse ay ahayd in uu qaybtiisa ka qaato horumarka ballaadhan ee ay muwaadiniintaasi qurbaha uga yimaaddeen in ay ku soo kordhiyaan waxbarashada dalkooda.

KAAFI Academy oo ah dugsi hoose dhexe iyo sare ayaa ay masuuliyiintiisu sheegeen in waxbarashada oo afka Ingiriisiga ku baxaysa loo mari doono qaab casri ah oo u dhiganta waxbarashada tayada leh ee dalalka horumarary gaar ahaan dalka Ingiriiska ee manhajka dugsiga laga soo qaatay, waxa aanay ballan qaadeen in ardayga waxbarashada Akadamiyaddan dhammaystaa uu heli doono shahaado la aqoonsan yahay oo u dhiganta midda ay helaan ardayda dugsiyada dalka Ingiriisku. Isaga oo sheegay in Macallimiinta dugsigu ay isugu jiri doonaan ajaanib la hubiyey heerkooda aqooneed iyo dhaqan iyo muwaadiniin leh tayo aqooneed oo lagu kalsoon yahay. Fasal kastana loo ogol yahay in ay fadhiistaan 30 arday oo keliya, si loo hubiyo tayada waxbarashado iyo awoodda macallinku uu arday kasta ku gaadhi karo.

Ugu dambayntii Md. Ibraahim Macallin Aadam waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in qoraalkii ardayda bilaabaysa dugsiga KAAFI Academy ay ka bilaabatay xafiiska diiwaangelinta ardayda oo ku yaalla fooqa cusub ee STAR Building oo ku yaalla jidka horumara saldhiga dhexe ee Hargeysa marka loo raaco dhinaca koonfureed inta aan la gaadhin biriishka, waxa aanu ka soo jeedaa jihada bari ee wadada.

Dhismaha dugsiga KAAFI Academy isagu waxa uu ku yaalla bariga magaalada Hargeysa, marka la soo gaadho hudheelka Shiraaqle ayaa daqiiqado yar koonfur loo raacayaa jidka cusub ee dhinaca koonfureed uga tallaaba dooxa. Laakiin diiwaangelinta ardaydu waxa ay ka socotaa xafiiska diiwaangelinta ee badhtamaha suuqa ee ay tilmaamtiisu kor ku xusan tahay.

Wixii faahfaahina ee intaa dheerna waxaa aad kala soo xidhiidhi kartaan cinwaanadan hoos ku qoran.

adam-ibro@hotmail.co.ukama soo garaac Tel: 063-4140002.