Khilaafkii Ciyaaraha Ee Gobalka Togdheer Oo La Sheegay In Shalay La Soo Afjaray

0
887

Burco (Geeska) – Wasiirka Wasaarada ciyaaraha, dhaqanka iyo dhalinyarada iyo  Maamulka Gobolka Togdheer, ayaa ku guulaystay inay soo afjaraan khilaaf dhawaan soo kala dhex galay ciyaartoyga gobolka Togdheer, ka dib wada-hadallo u socday habeen hore ilaa galinkii hore ee shalay.

Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) iyo masuuliyiin kale oo halkaasi u tagay xalinta khilaafka ciyaartoyga Gobolkaasi, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in khilaafkaasi la soo afjaray isla-markaana ciyaartoyga Gobolkaasi uga qayb-galaya tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland isku duuban yihiin.

Wasiirka Wasaarada ciyaaraha oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Farxad ayay noo tahay inaanu khilaafkii yaraa soo afjarnay, Goboladuna way isku faanayaan oo markaan xaggii (Hargeysa) joogay waala I doca docaynayey oo qaarbaa lahaa ka waran Goboladii Bariga midbaa dhexdiisa wax ka jiraane, waad yar naxaysaa marka intaa lagu yidhaahdo laakiin waxa nasiib wanaag ah in arintii soo afjarantay oo ay si wacan inoogu soo gabagabowday, waxaana ceeb ah oo ka mabnuuca ciyaaraha inuu yahay dad kala qaybsan oo qabyaalad ah ama koox koox ah”

Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), oo isna halkaasi weedho kaftan u badnaa ka soo jeediyay ayaa yidhi  “Waxaan idiin soo gudbinayaa (Sheegayaa) in Gobolku isku duuban yahay oo kooxdiisu isku duuban tahay, gorgorada Togdheerna ayaan dhow la arki doono iyaga oo koobkii ciyaaraha Gobolada daadahaynaya”

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Somaliland ayaa isla shalay kala direy maamulkii Wasaarada ciyaaraha u joogay Gobolka Togdheer, kuwaasi oo lagu xidhiidhiyey khilaafka shalay la xaliyey, waxaana wasiirku Maamulka iyo hogaaminta kooxda Gobolka Togdheer uga qayb-galaysa tartanka gobolada maamulaya Guddoomiyaha Gobolkaasi Mr Xamarji.