Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Ka Jawaabtay War Ay Wasaarada hawlaha Guud Baahisay

0
809

Picture6Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha waaxda dhulka ee dawlada hoose  ee Hargeysa Md.Maxamed Warsame Caalin, ayaa ku eedeeyay wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta inay qaadi kari wayday masuuliyada dhulkii dawlada, ayna hayaan waraaqo badan oo ay ku ogalaadeen dhulkii dawlada ee Xaafada Shacabka oo ay dad iska dhisanayaan.

Sida oo kale waxa uu gudoomiyahu ka hadlay dhulka la siiyay dadka barakacayaasha ah ee degen Maxamed Mooge oo uu sheegay inay ku wareejiyeen qaybtii hore hay’ada u dhisi lahay qoxoontigaas. Waxaanu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay weriye Ibrahim Qaasim, oo ka tirsan shabakadda Caynaba News.

Ugu horayntii gudoomiyaha waaxda dhulka ee dawlada hoose isaga oo ka hadlaaya dhulka ay isku maandhaafsanaayeen dawlada hoose iyo wasaarada hawlaha guud waxa uu yidhi “ Wasaarada hawlaha guud shaqo ay ku leedahay ma jirto, dhulka kale ee ay ka hadleen ee ku simaha agaasimaha hawlaha guud carabka ku dhuftayna ee uu yidhi beeraha anaga ayaa bixinayna, danta guudna anaga ayaa ka talinayna oo dhulku uu noo qaybsan yahay oo dhulka dawlada ayey hawlaha guud ka yihiin masuul. Hawlaha guud eeriyada shacab waxa guri laga dhisaayo iyaga ayaa waraaqo soo bixiya, waanu haynaa wixii waraaqo ah ee ka soo baxay ee dhulkii dawlada ayaanay ka adkaanin. Dhulkan kalana wax sharciya oo siinaya xeerka number 17 dhulka dawlada hoose ayaa ka masuul ee caasimada.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “si khaldana way u hadleen oo Hargeysa ayey ka hadleen iyaga oo hawlihii guud sheeganaya, markaa taasna aad iyo aad ayaan u dhaleecaynayaa. Dhulka meelnaba kama soo gasho hawlaha guud oo waxa weeye dawlada hoose hantideeda koowaad waa dhulka ay caasimadu ku fadhido”
Gudoomiyaha waaxda dhulka ee dawlada hoose ee Hargeysa Md.Maxamed Warsame Caalin, oo ka hadlaaya dhulka barakacayaasha loogu talo galay waxa uu yidhi “Dhulka barakacayaashu afar iyo labaatan Baloog ayuu ahaa, laba iyo toban waxaa bixiyey golihii deegaanka ee naga horeeyey, laba iyo tobankaa Baloogna saaka ayaanu ka wareejinay oo dadkii laga wareejiyey waxaanu nidhi badal ayaanu idiin samaynaynaa, afar iyo labaatankii Baloog waxaanu ku wareejinay dadkii barakacayaasha ahaa hay’addii u dhisaysay guryaha”