Gudomiyaha Beesha Ciidagale  Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhex Aloosan Golayaasha Hargeysa Iyo Salaxlay

0
805

Picture1

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Beesha Ciidagale Caaqil RashiidMaxamed Jaanbiir iyo Guddoomiye ku xigeenka Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Golayaasha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa iyo Degmada Salaxlay, khilaafkaas oo ku saabsanaa kala xadeynta Dhulka, waxayna sheegeen in Degmada Salaxlay dhulkaas xaq u leedahay, iyaga oo Wasaaradda Arrimaha Guddahana ugu baaqday inay dhex iyo daacad ka ahaato Degmooyinka iyo Magaalooyinkaba.

Guddoomiyaha Beesha Ciidagale Caaqil RashiidMaxamed Jaanbiir oo isagu ugu horeyn shirkaas jaraa’iid ka hadlay ayaa yidhi “Arinta nagu keliftay in aanu Shirkan jaraa’iid u qabano ayaa waxa ay daaran tahay hadal haynta bariyahan dambe ka dhexeeya Degmada Hargeysa iyo Degmada Salaxlay, oo lagu muransan yahay dhul iyo xuduud, oo ay gaadhay in ilaa Wasaaradda Arimaha Gudduhu inay soo dhex gasho, waxa dhab ah oo aynu ognahay in Caasimadda Hargeysi aanay xuduud lahayn, Xeerkii Caasimaddana lama sameeynin,Barlamaanka lama hor geyn, lagama doodin, lamana soo diyaarin, wax ilaa hadda loo diyaarina garan mayno, Caasimadda Hargeysa waxa ay ka kooban tahay afar waxood oo waaweyn, oo marka  Hargeysa Golaheeda Deegaanka marka la dooranayo, qaar Sanaadiiqdeeda waxa ay ku kooban tahay afar km, oo Codka waxa qaata Degmooyinka kale oo Hargeysa ka tirsanayn oo dibada ka ah,qaarna Badda iyo Xuduuda Itoobiya ayaa u xuduud ah, oo soo celiya, oo Golaha Deegaanka Hargeysi halkaas uu ku kala cod badan yahay, arintaasina waxa ay muujinaysa in aanay cadaalada ahayn, waxa ayna ahayd in la sameeyo Xeerkii Caasimadda si cadaalada loo helo, balse taasi may dhicin”.

Guddoomiyaha Beesha Ciidagale isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Degmada Salaxlay waxa ay ka mid tahay Degmooyinka uu Xuduudku afarta km ee Hargeysi kaga dhaco,  marka la eego meesha la yidhaahdo Isha Gobka oo afar km Hargeysa u jirta Sanduuqa Salaxlay ayaa yaala, ee laga doorto Sanduuqa Golaha Salaxlay, anagu Guddi ahaan in badan ayaanu ku dadaalnay Kuraasta halkaas ku lumaya in aanu baadi goobna Komishanka ayaanu kala xidhiidhnay, Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaanu kala xidhiidhnay marnaba noomay suurtagelin, marka Xuduudkani ma Salaxlay ayuu ku dhacaya, oo go’aankan Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ku dhaawaqdayna ilaa Toon ma Hargeysa ayuu soo raacaya, arintaasi arin macquul ah oo suurtagal ah maaha, Codka iyo Sanduuqu ama waa inay Hargeysa wada maraan ama Salaxlay wada maraan, Muranka ka dhexeeyey Hargeysa iyo Salaxlayna waxa ay ahayd halkan aniga ayaa la iga doortay oo Sanduuqayga ayaa yaalay iyo mayee aniga ayaa qorsheynaya oo dhulkeeda maamulaya”

Caaqil Rashiid ayaa sidoo kale sheegay inay wax lala yaabo tahay in Cuqaali kuhadasho Madax dhaqameedka Hargeysa, isla markaana gar eexsan sameeyaan,taageerana go’aanka Wasaaradda Arrimaha Guddaha. Guddoomiye ku xigeenka Beesha Ciidagale Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar oo isna Shirkaas Jaraa’iid ka hadlay ayaa sheegay inay dhex iyo odayaal u yihiin Hargeysa iyo Salaxlay, waxaanu dhaliil u soo jeediyey Wasaaradda Arrimaha Guddaha waxaaanu yidhi “Waxa aanu aamisan ahay in Wasaarradda Arrimaha Gudduha inay si khaldan wax u dhigtay, sababtoo ah waxa ay arkaysa Sanduuqii Salaxlay oo halkan yaala, xadkiina wey dhaafisay, waxaasina wax maquul ah maaha, anagu Wasiirka Arrimaha Guddaha waanu aragnay waxa aanu ku nidhi Sanduuqaas iyo Dhulkaasi wey wada guurayaan oo Qool-caddey ayuu tagay,ama halkaas ayuu yaalaya”.