Aadamuhu Noloshii Waxa Uu Soo Mara 10 Nooc Oo Ah Jacayl Mid Kastaa Da’ Kula Soo Bilowdo (Q:2aad)

0
2160

 

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee taxanihii aynu kaga waramaynay qaybaha jacaylka, oo aynu ka soo dheeganno buugga "Sida aad ku heli karto waxa aad rabto una jeclaan karto waxa aad hayso" oo uu qoray dhakhtar ku takhsusay cilmi nafsiga oo magaciisa la yidhaahdo, John Jury.

4. Jacaylka Jaalka: Ilmuhu marka uu gaadho da'da 14 jirka illaa 21 jirka waxa ku soo baxa khaanad cusub oo jacayl ah, khaanaddan oo mar walba u baahan in uu buuxiyaa waa jacaylka uu u qabo in uu helo dad ay isku jaal yihiin, oo ay wadaagaan waxbarashada, , ciyaarta, shaqada iwm. Da'dani iskuma daydo in xattaa ay xog badan ka haysto ama uu aqoon buuxda u yeesho qofkan ay isku jaalka yihiin, keliya waxa ay jecel yihiin inay la qaataan waqti farxad iyo hiwaayadeed, da'dani waxa ay naftooda ku qabaan kalsooni badan, aad ayaanay uga raalli yihiin, laakiin khatarta jirtaa waa in marka uu qofku da'dan yahay haddii aanu helin cid ku habboon iyo sidoo kale xiddig uu ku daydo, gaar ahaan aanu guriga ka helin cid uu kaga daydo dhaqannada waxa uu raadsadaa ciddii uu ku dayan lahaa, wax fogna ma'aha in uu saaxiib xun oo uu leeyahay ku daydo.

5. Jacaylka Nafta: Dadka badankiisu jacaylka nafta waxa ay u yaqaannaan oo keliya danaystenimo iyo in qofku naftiisa uun wax kasta oo wacan la doono, laakiin macnaha runta ah ee jacaylka naftu wuu ka duwan yahay sidan, nafta oo la jeclaadaa waa qofka oo naftiisa ku qaata kagana raalli noqda sida ay tahay, isla markaana ka shaqeeya horumarinteeda iyo in uu ceebaha ka fogeeyo, waa qofka oo ku dadaala in uu kasbado xirfado cusub oo noloshiisa wanaajiya, sidoo kale waxa muhiim ah in qofku uu naftiisa u sameeyo xilli u gaar ah oo uu ku raalli geliyo waxa aan xaaraanta ka ahayn ee ay ka hesho. Baahida jacayl ee noocan ahi waxa ay qofka ku bilaabantaa marka uu gaadho 21 jir illaa uu gaadhayo 28 jir.

6. Jacaylka guurka iyo kalgacalka jinsiga kale: marka uu qofku gaadho 28 sano illaa uu ka gaadhayo 35 jir waxa ku bilaabanta baahi iyo jacayl xad dhaaf ah oo uu u qabo in uu helo mataan uu weheshado oo jinsiga ka soo horjeeda ah, waxa ku abuurma doonista qof uu nolosha la qaybsado oo kalgacal isu keeno. La soco…