Buug Laga Qoray Diyaaraddii La Waayey Ee Malaysia Oo Sheegay Inay Soo Rideen Maraykanku

0
728

Picture8Sidney (Geeska)- Buuggii ugu horreeyey ee laga qoro diyaaraddii la waayey ee dalka Malaysia oo bishii Shanaad (May) ka soo baxay dalka Australia ayaa shaaca ka qaaday in sababta ugu suurtogashan ee shilkaasi ay tahay in diyaaraddaas uu ku dhacay gantaal soo rideen ciidamo tababar u socday waqtigaas. Buuggan oo la yidhaahdo, Flight MH370 The Mystery (Duulmimaadkii 370: Hal-xidhaalihii), waxaa qoray Nigel Cawthorne oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa ku doodaya in si badheedh ah shilkaas loo qariyey si loo ilaaliyo sumcadda dalalka ciidamadoodu tababarka samaynayeen.

Wargeyska Sun Herald ee ka soo baxa dalka Australia oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in qoraaga buuggani uu xogtan ka soo xiganayo ilo aanu magacaabeen oo u xaqiijiyey in si badheedh ah dalalka ay arrintani khusaysay ay u baahiyeen warar majaro habaabin ah si raadinta diyaaradda ay ugu jiheeyaan deegaan aan ahayn kii ay ku soo dhacday ee runta ahaa. Nin uu buuggani soo xiganayo oo uu ku magacaabay Mickey MacKay una dhashay dalka New Zealand ayaa sheegay in isaga oo riig kuwa shidaalka lagu qodo ah oo ay leedahay shirkad baatrool oo uu u shaqaynayey goob ku taalla Gacanka Thailand uu 8dii bishii March arkay diyaarad gubanaysa, waana isla maalintii la waayey diyaaraddan. Qoraaga buuggu waxa uu isku xidhayaa aragtida ninkan fuushanaa riigga aadka u dheer iyo isla taariikhdaas 8da March oo uu deegaankaas ka socday dhoolla tus milateri oo ay samaynayeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Thailand, kaas oo la og yahay in qaybo ka mid ah ay ciidamadu adeegsanayeen rasaas nool. Cothron waxa uu buuggiisan ku yidhi, “Haddii ay run tahay in diyaaraddaas ay ku dhacday rasaastii noolayd ee ciidamada dhoolla-tuska samaynayaa ridayeen, in ay arrintaas ka aamusaan waa wax aad macquul u ah” Qoraaga oo hoosta ka xariiqaya in taas ay sii xoojinayso tuhunkan, weliba ay u dhowdahay in sanduuqaas haddiiba la sheego in la soo helayna uu yahay sanduuq been abuur ah oo aan ahayn kii runta ahaa ee diyaaradda.

Buuggan oo soo baxay in ka yar 11 toddobaad kadib markii la waayey diyaaraddaas nooceedu ahaa Boeing 777 oo sidday 239 qof oo rakaab ah. Inkasta oo ay weli socdaan baadhitaannada lagu raad goobayo burburka diyaaraddan oo ay dowlado badani iska kaashanayaan qalab badan oo casriyana la isticmaalay, haddana illaa imika waxba laguma helin baadhitaannadaas oo xooggoodu ku jihaysnaa koonfurta badweynta Hindiya, arrintaas ayaanu Cawthorne ooh ore u qoray in ka badan 150 uu u arkaa in ay tahay wax aan suurtogal ahayn.