Bunka Madow (Bigayska Ah) Ee Bilaa Sonkorta Ahi Ilkaha Ayaa Uu Suuska Ka Ilaaliyaa

0
650

Brasilia (Geeska)- Daraasad ay dhowaan sameeyeen cilmi-baadhayaal ka tirsan jaamacadda Federaalka ee Rio de Janeiro ayaa daahfurtay in hal koob oo bun madow oo aan sonkor lahayn ah oo uu qofku maalintii cabbaa uu hoos u xakamaynayo urta karaahiyada leh ee ilkaha dhexdooda mararka qaarkood ku samaysanta, isla markaana yaraynayo khatarta ah in uu suus ku dhaco ilkaha. Cilmi-baadhayaashu waxa ay sheegeen in midhaha bunku madow ay ku jiraan maaddooyin si awood badan ula dagaalama Bakteeriyada iyo jeermiska, taas oo si dhaqso ah u disha bakteeriyada sababta in ilkaha uu ku samaysto dahaadhka oo afka qalaad lagu yidhaahdo, lakabka Plague iyada oo la og yahay in lakabkani uu yahay sababta ugu weyn ee keenta suuska.

Ugu dambayntiina natiijad cilmi-baadhistan oo ay faafisay majaladda Letters in Applied Microbiology balse uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail cadadkiisii soo baxay 10kii Bishii Shanaad, waxa ay khubaradu ku taliyeen in ay lagama maarmaan tahay in qofku uu bunka si dhex-dhexaad ah u cabbo oo aanu ku talax tegin cabbitaankiisa, waxa aanay xuseen in bun badan oo la cabbaa ay iyaduna khatar weyn ku tahay ilmaha. Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in ay suurtogal tahay in maaddooyinkan bunka ku jira mustaqbalka loo isticmaalo in laga sameeyo dawada ilkaha lagu cadayo ama dawada afka lagu maydho (Luq-luqo) si loo yareeyo khatarta ah in uu suus ilkaha ku dhaco.